
Laaluush la sheegay in lagu qaatey howlaha viisooyinka safaarradaha
Saxaafarrad dalka Sweden ku leedahay Cummaan ayey ka jiraan tuhunno ah in laaluush lagaga qaato ku hor-marka diiwaanka dadyoowga codsiga u dalbada sidii ey qaraabadood ula midoobi lahaayeen, sida ay caddeeyn maanta ku soo ban-dhigeen laanta wararka Ekot iyo dhiggeeda idaacadda la iska daawado ee SVT.
Shaqaalaha safaaradduna ey iminka baaris ugu jiraan tuhunnada laaluushka.
Waxaannu la kullaney Lubna Mouse oo ay cid sheegatay inay ka howl-gasho hayadaha Sweden ku casuntay inay laaluush ku bixiso sidii xagga hore looga gelin lahaa diiwaanka codsiyada deggenaansho.
Waxay ii sheegtay inuu yahay kharash mar un la bixinayo, hase yeeshee waxaan dareemay inuu laaluush macnihiisu yahay, sida ay sheegtay Lubna Mousa.
Lubna Mousa, oo ka soo qaxday dalka Suuriya ayaa ku sugnayd dalka Joordan kolkii uu telefoon u soo dhacay. Telefoonka ayaa ku saabsanaa codsigii ey iyada iyo caruurteedu ku dalbadeen sidii ey ula midoobi lahaayeen saygeeda oo deggenaansho ku leh Sweden, waana mid ay xaq u leeyihiin.
Hase yeeshee uu aad u dheeraa halka ey kaga jireen liiska dadyoowga sugayey sidii ey wareeysi ugu geli lahaayeen ogolaanshaha dal-ku galka. Waxeyna halis ugu jireen inuu ka qaan-gaaro wiilkeeda curadku inta aan la wareeysan, kolkaasina oo aannu xaq u lahayn inuu reerka u soo raaco Sweden.
Lubna Mousa ayaa dhowr jeer telefoon iyo mail-ba u dirtay safaaradda si loogu soo dedejiyo, maadaama ay ka murugeeysnayd. Hase yeeshee kolkii uu telefoonku u soo dhacay ay heshay casumaad.
Laanta wararka Ekot iyo idaacadda la iska daawado ee SVT oo ay gacanta u soo gashay dooddii middaasina oo lagu wada hadlayey luuqadda carabiga.
- Marwo Lubna, waxaa hortayda yaala dalabkaagii.
Haddii aad doonayso inaan ku caawinno. Maadaama ay ii muuqato inuu wiilkaagu dhowaantan 18-jir-san doono, waana xaalad aannu qiimeeyno dhanka safaaradda.
Hase yeeshee Lubna waxay dareentay in wax ku hoos jiraan. Haweenayda telefoonka soo dirtay oo sheegtay inay ka howl-gasho wakaaladda socdaalka iyo safaaradda Sweden ayaa lacag dalabtay. Lubna Mousa ayuu qiimuhu argagax geliyey, oo lagu sheegay inuu yahay 100 000 oo koronka iswiidhishka.
Wada-hadalka telefoonka ayay haweenaydu ku khasbeeysaa Lubna Mousa inay sheegto qiimaha suurtagalka u ah inay bixiso.
- Waayahay haddaba, imisa ayaad bixin karaysaa?
- Waa sida keliya oo aan u qiimeeyn karno dalabkaaga.
Erik Ullenhag, safiirka safaaradda Sweden ee Cummaan, ayaa argagax ballaaran ka muujiyay kolkii uu dhageeystay ereyada cajaladda ku duuban. Waa arrin ku cusub Ullenhag inuu yahay ruux sheeganaya inuu hayad u howlgalo.
Ullenhag ayaa sheegay in safaaraddu daba-gal ku sameeyn doonto akhbaarta ka soo gaartay laanta wararka Ekot iyo SVT.
Toddobaadkii ugu dambeeyay waxaa sidoo kale safaaradda ku soo gaaray siyaabo kala duwan akhbaarro la xiriira iney jiraan habab hore loogu geli karo liiska safka.
- Waxaa na soo gaaray warar sheegeya iney jiraan habab safka hore loogu geli karo, intaa wax dhaafsii-san faallo kama bixin karo, maadaama aannu baaris ku guda jirno.
Ullenhag ayaa sidoo kale ka gaabsaday inuu wax ka yiraahdo habka musuqmaasuqa loo sameeyn jirey, hase yeeshee sheegay in war-bixin ay ka soo gaartay wakaaladda socdaalka.