
Kulan weynaha xisbiga FI oo go'aanno ballaaran lagu gaareyo
Xisbiga Feministiskt initiativ (FI) oo isugu iman doona kulan-waynihiisii, midkaasina oo uu diiradda ku saari doono hiigsiga doorashada dalka ka dhici doonta 2018.
Kulanka ayaa lagu ansixin doonaa barnaamijka xisbiga, lagu dooran doonaa hoggaamiyeyaal hor leh, halka dhanka kale kuraasta laga xayuubin doono qaar ka mid ah xubnaha xisbiga.
Jimcada maanta ayey kulan weyne isugu iman doonaan magaalada Västerås 400 oo ruux oo matalaya xubnaha xisbiga FI, sidii ey aasaaska ugu taagi lahaayeen siyaasadda uu xisbigu ku doorasho geli doono sannadka 2018.
- Waxaa la oran karaa in aannu ka mid nahay xisbiyada ugu taageerada yar ee dalka, hase yeeshee ey ka qayb qaadaneyaan kulan-weynahooda xubnaha ugu tirada badan, sida ay sheegtay hoggaamiyaha xisbiga FI Gudrun Schyman.
Schyman ayaa sheegtay in xisbigeedu uu iminka qaan-gaaray wixii ka dambeeyay doorashadii sannadkii 2014. Middaasina oo uu xisbigu ku guuleeystay codad gaarsii-san 3,12 boqolkiiba. Inta aan la gaarin doorashada 2018 ayuu xisbigu ku talo jiraa inuu xulo xubnaha xisbiga u meteli doona baarlamanka. Xisbigu wuxuu sidoo kale waayo-arag-nimo u leeyahay inuu qayb ka ahaado hoggaanka magaalada Stockholm.
Magaca xisbiga oo la bedelo
Schyman ayaa aamin-san in qaan-gaar-nimadu ka mid tahay sababaha uu xisbigu u damac-san yahay inuu la baxo magac cusub, magaca Feministerna. Kaasina oo ahaa qorshe mar walba la soo hor-dhigayey shir-weyneyaashii xisbiga, hase yeeshee uu hoggaanka xisbigu iminka ku mideey-san yahay magac-bedelka.
Shir-weynaha xisbiga ayaa sidoo kale lagu dooran doonaa hoggaanka xisbiga, iyadoona la saadaalineyo in mid ay noqoto Gudrun Schyman, halka midka kalena loo doorto Victoria Kawesa, iminkana ah af-hayeenka xisbiga ee ka hor-tagga cunsuriyadda, hase yeeshee lagu jiro tartan.
Shir-weynaha xisbiga FI ayaa dib u habeeyn ku sameeyn doona qoraal-howleedka iyo xeerka iyadoona laga doodi doono, isla-markaana loo codeeyn doono 34 mooshinoo uu hoggaanka xisbigu hor-dhigi doono shir-weynaha iyo 231 mooshin oo xubnaha ka yimid.
Midk mid ah siyaasadda xisbiga ee dib u habeeynta lagu sameeyn doono ayaa ah siyaasadda socdaalka. Xisbiga Fi ayaa damac-san inuu debciyo siyaasadda la adkeeyey ee sharci-bixinta soo-galootiga.
- Ma rumeeysnin siyaasadda argagaxa ee dawladdu wax kaga badashay siyaasadda socdaalka. Waana su’aal aad noogu wayn, sida ay sheegtay Schyman.
Cafis guud
Xisbiga FI ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu soo bandhigo siyaasad la xiriirta ammaanka iyada oo laga tallaabo qaadeyo mabda’a feminism-ada.
- Waxaannu nahay xisbiga keliya ee ka soo hor-jeeda siyaasadda awr ku kiciska ah ee sida xad-dhaafka ah loogu maal-gelineyo gaashaan-dhigga, sida ay sheegtay Schyman.
Xisbiga FI ayaa ka soo hor-jeeda nidaamka gunnada howl-gabka, isagoona uu soo jeediyay in is-bedello lagu hagaajineyo gar ahaan shuruudaha haweenka iyo waayeelka qaata mushaarooyinka hooseeya.
Qaar badan oo ka mid ah qorshooyinka siyaasadeed ee xisbiga FI ayaa ku kacaya miisaaniyado baaxad leh, tusaale ahaan kordhinta gunnada howl-gabka, kor u qaadista a-kassa, lacagta caydha, in aan kharashka ku kaca dar-yeelka caafimaad aanu ka badan nidaamka dar-yeelka caafimaad ee kale iyo maal-gellinno kale ee la xiriira nidaamka hab-nolol-wanaagga. Kuwaasina oo lagu maal-gelin doono canshuur-kordhin.
- Waxaannu aas-aaska u taagi doonnaa siyaasadda canshuurta ee aannu dooneyno in aannu hor-u-marinno, hase yeeshee ku dejin meeyno shir-weynaha miisaaniyad-qarameed. Mana uu jiro xisbi shir-weynihiisa ku soo ban-dhiga miisaaniyadda miisaaniyad-qarameedkiisa, sida ay sheegtay Gudrun Schyman, hoggaamiyaha xisbiga FI oo uu maanta shir-weynahoodii uga furmay magaalada Västerås.