
Shaqaale ku lug yeeshey fadeexaddii shirkadda Allra
Sarkaal sare oo ka hawlgala wasaaradda maaliyadda dalkaan Sweden ayaa dowr aad muhiim u ah ku lahaa khaladaad waaweyn oo ay sameeysey shirkadda caymiska ee Allra.
Ninkaas ayaa madax ka ahaa shirkad xiriir ganacsi ay ka dhexeeyaan shirkadda Allra, sidoo kalena wuxuu ku jirey madaxda maamusha dhawr shirkadood oo qaranka dalkaani iska leeyahay.
Dennis Töllborg oo ah macallin jaamacadaha ka dhiga cilmiga sharciyada, ayaa sheegey in wasaaraddu ay aheyd in aysan aqbalin arrin noocaas oo kale ah , wuxuuna yiri isagoo arrinkaas ka hadlaya :
-Waxay aheyd in xeyndaab u dhexeeyo wasaaradda iyo kuwa ay go’aanka ka gaareyso khaasatan marka arrinkaasi uu xiriir la leeyahay arrimaha hawlgabka iyo wax kasta oo xiriir la leh daryeelka guud ee qaranka.
Waaxda wararka idaacadda Sweden ee Ekot ayaa hadda ka hor kashiftey in shirkadda Allra oo ka shaqeysata arrimaha hawlgabku ay la gashey heshiisyo dhaqaale oo boqolaal malyan oo karoon ah shirkad kale oo lagu magacaabo Oak Capital.
Xiriirka labadaas shirkadood ka dib ayaa hey’adda dalkaan Sweden u qaalbilsan hawlgabku waxay go’aamisey in shirkadda Allra laga saaro nidaamka hawlgabka ee loo yaqaano PPM-systemet.
Go’aanka kama danbeynta ah ee arrinkaas ayaa waxaa gaari doonta maxkamadda sare ee maamulka dalkaan Sweden.
Shirkadda Oak Capital ee lala xiriiriyey Allra ayaa waxaa markii labadaas shirkadood uu xiriirka hoose ee ganacsi uu dhexmarayey, waxaa maamulkeeda sare ku jirey nin shaqaale ka ah wasaaradda maaliyadda taas oo keentey in su’aala badan oo xoog leh la iska weydiiyo arrinkaas.
Xiriirka labadaan shirkadood oo naasnuujisku ku hoos jiro ayaa sababtey in boqolaal malyan oo koroon oo khasaara ahi uu soo gaaro dadka dalkaan Sweden dagan ee keydsada lacagohooda hawlgabka ee mustaqbalka.
Ninka hawshaan lala xiriiriyey oo ka hawlgali jirey wasaaradda maaliyadda dalkaan ayaa hadda wuxuu goobtaas uu ka shaqeynayey ka qaatey fasax furan ilaa iyo inta xaalka arrinkaani dhinac u dhacayo.