
Toban cisho in ka yar ayaa iiga harsan da'dii qaangaarka
Maxamed Cabdi Naasir Cabdullaahi, oo loogu magac-daro Aamiin ama Cabdi, wuxuu dalka Sweden ku soo galay dhallaan-nimo aanay la socon waalidkii dhalay muddo iminka ay ka soo wareegtay sannad iyo siddeed bilood.
Muddadii sannadka iyo siddeeda bilood ahayd ee uu dalka ku sugnaa ayuu habeen walba ku seexan jiray welwel uu ka qabo go’aanka hayadda socdaalku ka soo gaari doonto dalabkiisa magan-gelyo doon. Isagoona mararka qaarkood ku fekeri jiray inuu iskuulkaba isaga haro, maadaama aanay kala caddeyn inuu dalka ku sii nagaan doono iyo in kale.
Balse iminka ku talo jira inuu bilaabo wax-barashada dugsiga sare, maadaama uu maanta jawaab farxad leh ka helay hayadda socdaalka iyo in dalka deggenaansho lagu siiyay. Iyada oo weliba ay uga har-san tahay da’dii qaan-gaarka muddo toban cisho gaarsii-san.
Haddaba wareeysi aannu Amiin ama Cabdi oo aannu dhowr jeer horay u warreeysaney ayaannu khadka telefoonka kula xiriirney si aannu wax uga weeydiino dareenkiisa iyo qorshihiisa mustaqbal isaga oo ku sugan Åland, magaalada Borholm oo uu ku dhaqan yahay. Wareeysigii oo dhanna waa kan ee nala dhageeysta.