(L) oo ka horyimid miisaaniyad mucaaradku ku mideysan yihiin

2:34 min

Xisbiyada mucaaradka dalkaan Sweden ee isgaashaan buureystey ”Allianspartierna” ayaa hadda isku dayaya in ay isticmaalaan siyaasado cusub oo u muuqda in ay ka mideysan yihiin inkastoo hadana ay fikir ahaan iyo qorshe ahaanba aad u kala fog yihiin.

Hogaamiyaha xisbiga Libaraal-ka Jan Björklund ayaa si cad u sheegey in aysan jirin qorshe miisaaniyadeed oo ay ku mideysan yihiin xisbiyada mucaaradku ka hor doorashada dalkaan ka dhici doonta sanadka soo socda.

Xisbiga Center-ka ayaa isna dhankiisa raba in guddi hoosaadka miisaaniyadda baarlamaanku jideeyo in aan canshuuro cusub miisaaniyadda lagu siyaadin karin.

Xisbiyadaan mucaaradka ayaa dalbanaya in siyaasadda dawladda wax laga badalo in kastoo hadana xisbi walbaa si gaar ah wax u rabo oo aysan taas ku mideysneyn.

Xisbiyada Modaraat-ka iyo Kristdemoquraadi-ga ayaa raba in xisbiyada isgaashaanbuureystey ay si wadajir ah u soo bandhigaan miisaaniyad ay ku mideysan yihiin oo dalkaan lagu maamulo, dawladana sandule looga dhigo.

Center-ka ayaa isna raba in miisaaniyadda dawladdu wadato la taageero balse waa markii laga saaro canshuuraha la siyaadinayo oo kaliya.

 Libaraal-ka ayaa isaguna dhankiisa wuxuu ku hanjabayaa in wasiirka maaliyadda ay cod ahaan ku casili doonaan haddii dawladda dalkaan maamushaa aysan ka noqon canshuuraha ay rabto in la siyaadiyo.

Thomas Ramberg oo ka faalooda siyaasadda arrimaha gudaha dalkaan Sweden ayaa isagoo arrinkaan ka hadlaya wuxuu yiri :

-Xisbiyadaan mucaaradka ee isgaashaan buureystey waxay rabaan in dhaqaalaha dalkaan ay raad weyn ku yeeshaan doorashada dalkaan ka dhici doonta ka hor , ma rabaan in ay dawladda wadahadal la galaan,  dhanka kalana ma rabaan  in ay dawladda cod ku ridaan, ayuu yiri Thomas Ramberg.

Stefan Löfven reysal wasaaraha dalkaan Sweden ayaan baarlamaanka dalkaan ku heysan aqlabiyad cod oo ay ku dhaqangaliso barnaamijkeeda siyaasadeed.

Reysal wasaaraha ayaa xisbiyadaan mucaaradka wuxuu u soo jeediyey in ay arrimahaan ka wada hadlaan, balse xisbiga Modaraat-ka ayaa aad uga soo horjeeda in mucaaradku wadahadal la galaan xisbiga Sooshal-demoquraadi-ga.

Stefan Löfven ayaa xisbiyadaan mucaaradka ku hadadaya in doorasha guud uu ku dhawaaqi doono haddii xisbiyadaan mucaaradku ay diidaan  siyasadda dawladdiisa.Reysal wasaaraha ayaa dhanka kale raba in uusan lumin taageerada xisbiga Vänster-ka oo dawladdiisa taageera.

Xisbiyadaan mucaradka ah ee isgaashaanbuureystey ayaan rabin in hadda doorasho la galo meesha dhanka kale aysan ku mideysneyn taageeridda dawladda imminka dalkaan ka arrimisa.