
Isbedel lagu sameeynayo shirkadaha khammaarka
Iyadoo maanta lasoo bandhigayo soojeedin ku saabsan mustaqbalka shirkadaha khammaarka ee waddanka, ayaa shirkaduhuna ay isu diyaarinayaan sharciyo cusub oo lagu oggolaanayo in la furo shirkado khammaar oo gaar loo leeyahay.
Jörgen Hettne oo ah khabiir ka tirsan jaamacadda Lund ayaa sheegay in iminka loo baahan yahay in isbedel lagu lagu sameeyo shirkadahan oo iyagu suuq ahaan manabool ku haysta suuqa khammmaarka.
Waxa yaab noqon doonta iyadoo weli lagu adkaysto in shirkado tiro yar suuqa khammaarku usii xidhnaado oo arkaa aan la oggolaan in la furo shirkado gaar loo leeyahay oo la tartama.
Saansaan kale oo uu muujinaya in shirkadaha khammaarka uu ka dhamaaday waqtigii suuqa khammaarku uu iyaga uun u xidhnaa ayaa ah, iyadoo qaar ka mid ah shirkadaha khammaarku ay iska diiwaan geliyeen shirkadaha saami qaybsiga, taasoo markaa keenaysa in la cashuuro faaiidada ay helaan.
Suuqa khammaarka oo iminka u xidhan saddex shirkadood oo keliya ayaa la filayaa in haddii isbedelka furfurraanta suuqa khammaarka la dhaqan geliyo ay markaa shirkado badan oo ka diiwaann gashan waddamo shisheeye ay markale waddanka iska diiwaan geliyaan oo taasina keenayso in dowladdu ay cashuur dheeraad ah ka hesho shirkadahan.