
Warshadda gawaarida lagu sameeyo. sawir: Magnus Hjalmarson Neideman/SvD/T
Heshiis: shaqaalaha warshadaha
Garabyada shaqaalaha warshadaha iyo mulkiileyaasha ayaa heshiis guud ka gaarey kordhinta mushaarooyinka, iyadoona maanta 12:00 ey ku soo ban-dhigi shir jaraa’id.
Ururka shaqaalaha iyo ururka warshadleyda ayaa heshiis saddex sanadle ah ku gaarey, midkaasina oo gaarsii-san 6,5%, sida ay baahisay laanta wararka ee Ekot.
Heshiiskan ey garabyadu wada gaareen ayaa saameeyn doona qiyaastii nus malyan shaqaale, waana mid sidoo kale si aan toos ahayn u saameeyn doona dhammaan suuqa shaqaalaha, maadaama uu dhabba-tus u yahay wadahadallada kale ee ururrada shaqaalaha iyo mulkiileyaasha.