Eedeeysane ku xukunnaa xabsi daa'in oo oodda laga qaadey

Kaj Linna, oo horay loogu xukumay xabsi daa’in iyada oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay dilkii dhaca ee nawaaxiga Kalamark, ayaa oodda laga qaaday inta ay maxkamadda racfaanka hovrätten ay go’aan ka soo gaarayso., sida uu qoray war-geeyska Aftonbladet.

-Way dhammaatay iminka, sida uu sheegay mar uu la hadlayay saxaafadda NSD.

Caalinka shuruucda Sven-Erik Alhem ayaa sheegay inuu maleeynayo in Kaj Linna laga qaadi doono xukunkii kolka uu go’aanka maxkamaddu soo baxo 15-ka bisha juun.

Kolkii Kaj Linna la weeydiiyay mag-dhowga uu dalban doono inta uu le’eg yahay ayuu sheegay 20-25 malyan oo koronka iswiidhishka.

-Wax ku filan maahan, sida uu u sheegay saxaafaddii ku sugnayd dibadda ruumaanka.