12 qof oo loo qabtey falkii habeen hore ka dhacey magaalada London

1:59 min

Falkii argagixisada lagu tuhmey oo habeen hore ka dhacey magaalada London ayaa waxaa loo qabtey ilaa iyo 12 qof.

Ciidamada booliiska London ayaa xaafadaha magaaladaas waxay maalintii shaley ka soo qabteen toddoba qof oo haween ah iyo shan qof oo rag ah.

Wasiirka arrimaha dibadda dalkaan Sweden Margot Wallström ayaa falkaas canbaareysey, waxayna sheegtey in falkaasi wax weyn ka badali doono arrimaha guud ahaan la xiriira  amniga , waxayna tiri iyadoo arrinkaas ka hadleysa:

-  Waa markii saddexaad oo ay magaalada London ka dhacaan falal noocaan oo kale ah, taasina waa mid walwalkeeda leh waayo waxaa magaalada London ku nool dad Iswiidhish ah oo kumanyaal gaaraya, mar kastana iyaga ayaanu ka walwalnaa, ayey tiri wasiirka arrimaha dibadda Sweden Margot Wallström.

Wasiiradda ayaa intaas ku dartey in falkaasi uusan marnaba wax baqdin iyo hakad ah nagu abuurin sidoo kalana uusan wax raad ah ku yeelan nolol maalmeedkeena, ayey tiri wasiirka arrimaha dibadda dalkaan Sweden Margot Wallström.

Falkaas argagixisada lagu tuhumey ayaa waxaa  lagu diley dad gaaraya ilaa iyo 7 qof, halka 48 qofna ay dhaawacyo falkaas ka soo gaareen, 21 qof oo dadka dhaawacan ka mid ah ayaa qaba dhaawacyo halis ah.

Saddex nin oo loo maleynayo in ay falkaas ka danbeeyeen ayaa ciidamada booliisku waxay ku toogteen isla goobtii uu falkaasi ka dhacey.

Saddexdaan nin oo falkaas lagu tuhunsan yahay ayaa markii hore dad shacab ah waxay baabuur bas ah ku marsiiyeen marshabiyeetiga buundada loo yaqaano London Bridge, markaas ka dibna waxay lug ku tageen suuq ganacsi oo aan buundadaas ka fogeyn , halkaas oo ay toorey la dheceen qaar ka mid ah dadweynihii goobtaas ku sugnaa.