Kaltuun: 16 jir leh fikirka mualifnimada heesaha soomaaliga

7:19 min

Kaltuun Cabdullaahi Shire gabar da’ yar oo dalka keli-nimo ku timid iyda oo aanu la socon waalidkii dhalay.

Kaltuun ayaa dalka soo caga dhigatay dayrtii 2015 oo ey dalka soo galeen qaxooti aad u fara badan iyo dhallin-yaro keli-nimo ku yimid oo soddomeeyo kun kor u dhaafaya.

Muddada saddexda sannadood cagacageeyneeysa ee Kaltuun ey dalka ku sugneeyd ayey aad u ammaantay waxyaabihii ey kula kulantay Sweden, mar aannu wareeysi kula yeelaney xarunta idaacadda Raadiyaha Sweden. Halka ay dhanka kale ka sheegatay dhanka cimilada, weliba xilliga qaboobaha: 

Marka laga yimaado da’da yar ee Kaltuun Cabdullaahi jirto waxay haddana xiiseeysaa arrimmaha bulshada gaar ahaan waxay aad uga fekertaa dhibaatooyinka xiriirka dhallin-yarada, Waana midda keentay inay ku biirto abwaannada da’da yar. sida ay sheegtay. Heesteedii ugu horreeysay oo ey tirso

Waxay halhays uga dhigtay ”hubsiimaa haldoor dhala. Hay heebsan inan yahow waan kugu habsaamay”. Heestaasina oo ay uga hadleeysay qof aad doonaysay oo ku xumeeyay, waa qiso ay ragga ku dureeysay, sida ay sheegtay Kaltuun Cabdullaahi:

Heestii ugu dambeeysay ee Kaltuun Cabdullaahi qorto ayaa ahayd mirihii heestii ”Isla beegsan meynee calafkaa, bartaa dhiga”. Heestaasina oo macnaha ay xambaasan tahay ay tahay inuu jeceeylkuba yahay wax aan qofka gacantiisa ku jirin ee meel kale laga hago.