Dadka aan helin lacagta bukaanta oo afar jibaarmay

3:06 min

In kasta oo aan la beddelin sharciga waxa haddana sanadihii ugu danbeeyey afar jibaarmay dadka laga joojiyey lacagta bukaanka. Farqiga u dhaxeeya gobalada kala duwan ayaa isaguna aad u weyn.

Martin Söder madaxa mashruuc ay hey’adda kormeerka ceymiska bulshada (ISF) oo baaris arrinkan u saartay:
 

– Wax sharci ah oo la beddelay ma jiro sidaa darteed ma aheyn innuu yimaado farqigan weyn, ayuu yiri Martin Söder.

– Waxa imaaneysa su’aasha ah arintani ma tahay mid dhowreysa xuquuqda muwaadiniinta, ayuu ku daray Martin Söder.

Waxa aad u kordhay dadka laga joojiyey lacagta bukaanka. Sanadkii 2014 waxey tirada dadkaa le ekeyd 1,2 boqolkii, ama in ku dhow 5 900 oo qof. Sanadkii hore ayey tiradaa korortay iyadoo gaartay 5,8 boqolkii, ama in ku dhow 26 600.

Farqiga u dhaxeeya gobalada dalka ayaa isaguna aad u badan. Iyadoo tusaalle ahaan dadka laga joojiyey lacagta bukaanka ee gobalka Norrbotten ay tahay 23 boqolkii halka dadka ku nool gobalka Östergötland ee laga joojiyey lacagta bukaanku tahay 5,2 boqolkii.

Warbixinta hey’adda kormeerka ceymiska ayaa sheegaysa in dadka ugu badan ee laga joojiyo lacagta bukaanku yihiin dadka ajnabiga iyo kuwa tacliintoodu hooseyso.

Wasiirka arimaha bulshada Annika Strandhäll ayaa ka welwelsan warbixintan iyadoo sheegtay in howsha hoos u dhigidda tirada dadka buka ay tahay mid deg deg ku socota iyo inaaney hey’adda ceymiska bulshadu siin shakhsiyaadkan caawimaadda ay u baahan yihiin, sidii loo baxnaanin lahaa oo ey howlahooda dib ugu soo noqon lahaayeen.

Kolkii ay aad kor ugu kaceen dadyoowga xanuunka ku qoran ayay dawladdu go'aamisay in la gaaro ugu dambeeyn sannadka 2020 goolka 9 maalmood oo xanuun lagu qoran yahay sannadkii

Wasiirka arimaha bulshada Annika Strandhäll oo ka hadleysa hadafka 9-ka maalmood waxey tiri:

– Hadafka dowladdu marna ma aheyn in arintan lagu dabaqo marka la qiimeynayo caafimaadka shakhsiga balse wuxuu hadafku yahay mid bulshadeed iyo sidii loo gaari lahaa hadafka laga kaashanayo hey’addaha kale oo aan lagu koobin hey’adda ceymiska bulshada.