MP ma doonayaa in dib loogu noqdo xeerkii hore ee socdaalka?

4:11 min

Isabella Lövin, oo ka mid ah labada hoggaamiye ee xisbiga Miljöpartiet oo saaka qayb ka ahayd wareeysigii laanta wararka Ekot ee hoggaamiyeyaasha xisbiyada xubnaha ku leh baarlamanka ee ololaha doorashada ayaa difaacday siyaasadda mideeynta qooysaska.

Lövin ayaa sheegtay inay qofka uga suurtagal wanaag-san tahay siduu waddanka ula qab-san lahaa kolka uu ogsoon yahay inuu dalka ku haysto deggenaansho joogto ah, sida ay hadalka u dhigtay.

-Marka koowaad qiime ayay noogu fadhidaa nidaamka mideeynta qoysaska kala maqan. Sidoo kale xaaladaha gaarka ah ee liidashada iyo u dabacsanaanta xaaladaha shakhsiga la soo gudboonaan kara.

-Kolka laga hadleyo sharciga deggenaansho ee joogtada ah, mideeynta qoysaska, waxaannu ogsoonnahey inay qofka uga sahlan tahay siduu bulshada ku dhex geli lahaa, kolka qooysku dhan yahay, sida ay sheegtay Isabella Lövin.

Dhanka kale Lövin waxay ka gaabsatay inay caddeeyso halka uu xisbigeedu ka taagan yahay in dib loogu noqdo xeerkii socdaalka ee ka dabac-sanaa midka la adkeeyay wixii ka dambeeyay dayrtii 2015 ee ku eg horraanta sannadka foodda innagu soo haya ee 2019.

Su’aashii ahayd in loo fahmi karo inuu xisbiga Miljöpartiet taabacsan yahay in dib loogu laabto xeerkii socdaalka intii aan la adkeeyn dayrtii 2015 oo qaxooti badani dalka soo galeen ayay ku celisay ereyadii ey horay u sheegtay:

-Waxay noola muuqataa caqli badnaan kolka laga hadleyo mideeynta qoyska oo ah xuquuq bani’aadmi-nimo, iyo sharciga joogtada ah ee deggenaansho oo isaguna ah siyaasad wanaag-san, sida ay sheegtay Isabella Lövin.