Lööf oo ogol sii shaqeynta sharciga ku meel gaarka qaxootiga

1:46 min

Hoggaamiyaha xisbiga Center Annie Lööf oo maanta qayb ka ahayd wareeysigii laanta wararka Ekot ee hoggaamiyeyaasha xisbiyada ee xilliga ololaha doorashada ayaa sheegtay iney diyaar u tahay inaan la beddelin sharciga ku meel gaarka qaxootiga kaasoo aad u xaddidaya fursaddaha ay ku midoobi lahaayeen qooysaska kala maqan.

Hoggaamiyaha xisbiga Center Annie Lööf:

– Waxa marka aad u wanaagsanaan laheyd in dhaqso loo helo fursad si joogto ah loogu xaliyo siyaasadda qaxootiga, ayey tiri Annie Lööf. Balse haddii ay taa wakhti qaadato waxaan meesha laga saari karin in wakhtiga loo kordhiyo sharciga iminka shaqeynaya.

Annie Lööf ayaa intaa ku dartay in loo baahan yahay in caruurta iyo waalidka kala maqan is helaan iyo in sharciga lagu kordhiyo qiimeynta xaaladaha gaarka ah ee liidashada iyo u dabacsanaanta xaaladaha shakhsiga la soo gudboonaan kara ee afka swidhishka loogu yeero ” ömmande omständigheter.” 

Annie Lööf ayaa u aragta in sharcigu shaqeyn karo balse u baahan yahay in wax laga beddelo.

Annie Lööf ayaa wareysiga ku sheegtay in mid ka mida arrimaha ugu muhiimsan si loo helo heshiis siyaasadda qaxootigu yahay mideynta reeraha kala maqan. Annie Lööf ayaa diyaar u ah iney wakhtiga u kordhiso sharciga iminka jira haddii heshiis noocaa ahi iman waayo marka uu sharcigan ku meel gaarka ahi dhamaado wakhtigiisa sanadka soo socda. Annie Lööf ayaa sheegtay in arrimaha xisbigeeda muhiimka u ah ay qeyb ka noqdaan heshiiska.

Annie Lööf, hogaamiyaha xisbiga Centerka, ayaa sheegtay haddii ay noqoto in la kordhiyo sharciga ku meel gaarka ee iminka shaqeeya iney tahay markaa in isbedello lagu sameeyo.