Xamse: ”Siyaasaddeena socdaalku wey caddahay”

3:45 min

Hoggaamiyaha xisbiga Center Annie Lööf oo saaka wareysi siisey laanta wararka Ekot ayaa sheegtay iney diyaar u tahay inaan la beddelin sharciga ku meel gaarka qaxootiga kaasoo aad u xaddidaya fursaddaha ay ku midoobi lahaayeen qooysaska kala maqan.

Annie Lööf ayaa wareysiga ku sheegtay in mid ka mida arrimaha ugu muhiimsan si loo helo heshiis siyaasadda qaxootigu yahay mideynta reeraha kala maqan.

Xamse Cumar oo ka tirsan xisbiga centerka isla markaana sanadkan u sharaxan doorashada golaha degmada iyo tan gobalka Sweden ayeynu wax ka weydiiney jawaabaha hoggaamiyaha centerku ka bixiyey su’aalaha la weydiiyey.