Kristersson: Ma dooneeyno in wax laga bedelo xeerka socdaalka

1:30 min

Hoggaamiyaha xisbiga Moderaterna oo saaka wareeysi ay la yeelatay laanta wararka Ekot, ayaa shaaca ka qaaday in aannu ku talo jirin in farafareeyn lagu sameeyo xeerka ku meelgaarka ee socdaalka inta heshiis guud looga gaareyo siyaasadda socdaalka ee mustaqbalka.

Taasi ayuu Ulf Kristersson, hogaamiyaha xisbiga Moderaterna uga jawaabayey wareysigi ay shalay bixisey Annie Lööf oo ah gudoomiyaha xisbiga Centerka oo aheyd in wakhtiga loo kordhiyo xeerka ku meel gaarka ee socdaalka balse la fududeeyo sharciga mideynta reeraha kala maqan.

Kristersson, hogaamiyaha xisbiga Moderaterna:

– Jawaabta aan iminka bixinayo waa in wakhtiga loo kordhiyo xeerka ku meel gaarka ee socdaalka, isla markaana la bilaabo baaritaan ku saabsan xeer cusub ee siyaasadda socdaalka.

– Waxaan u arkaa iney tahay arrin wanaagsan in dad badani ay u muuqato in loo baahan yahay siyaasad socdaal oo waarta taasoo ku saleeysan waxa dalku ka bixi karo.

Kristersson oo wax laga weydiiyey waxa uu diidan yahay inuu ogolaado in reeraha kala maqani midoobaan maadaama ay taasi sahleyso is dhexgelka wuxuu ku jawaabay in ujeedada xeerka ku meel gaarka laga lahaa ay tahay inaaney Sweden ku dhaqmin xeer ka duwan wadamo badan oo Yurubta ah.