
Codeeyntii sii horreeysay oo bilaabatay 22-kii agoosto 2018. sawir: JESSICA GOW / TT
Ida Gure: "Doorashada sannadka way i cabsi gelisay"
Doorashooyinkii dalka oo ey ka harsan yihiin muddo laba toddobaad ah ayaa subaxnimadii arbacdii ina dhaaftay albaabbada loo furey ciddii doonaysaa inay horey codkeeda u sii dhiiban karto.
Ida Maxamed Gure, ayaa ka mid ahaa dadyoowgii codkooda dhiibtay, waana mid ay ku talo gal u sameeysay si aanay u gefin. Sidoo kale Ida Maxamed ayaa sheegtay codeeynteedii kadib inay sannadka u codeeysay hab ka duwan iyo garabkii siyaasadeed oo ey u codeeyn jirtay.
Wareeysigii oo dhammeeystiran halkan ka dhageeyso.