Fikirrada xisbiyada sidii kor loogu soo qaadi lahaa codaynta

7:04 min

Laanta idaacadda ekot Radio Sweden waxay hor dhigtay dhammaan xisbiyada xubnaha ku leh baarlamanka su’aasha ah: Waa middee tallaabada siyaasadda ugu muhiimsan ee xisbigiinu ku doonayo siduu kor ugu soo qaadi lahaa tirada dadka ka codeeya xaafadaha danyartu ku dhaqan tahay?

Waa kuwan jawaabihii ey xisbiyadu noo soo gudbiyeen:

Xoghayaha xisbiga Moderaterna Gunnar Strömmer:

Midda ugu muhiimsan waa in laga hadlo wax khuseeya – in la ogsoon yahay su’aalaha muhiimadda ugu fadhiya codbixiyaha. Xisbiga Moderaterna waxay u ololeeyneyaan sidii uu u soo bandhigi lahaa isbedello siyaasadeed ee wax ka qabanaya dhibaatooyinka dalka ka aloosan. Midda ugu muhiimsan ee rajada dib loogu soo abuuri karo waa shaqada iyo inuu qofku isku fillaado. Waa sababta uu xisbigu u soo bandhigey is-bedello shaqo abuur gaaraya 70 000 goobo shaqo oo hor leh.

Xoghayaha xisbiga Centerpartiet Michael Arthursson:

Annaga waxaa muhiimad noogu fadhida in codeeyaha loo soo bandhigo siyaasadda xisbiga, fikirrada xisbiga aasaaska u ah iyo sababta loogu codeeynayo xisbiga Centerpartiet. La kulanka shakhsiga ayaa muhiimad noogu fadhida, waana sababta ey xubnaha xisbiga Centerpartiet uga ololeeyneyaan dalka dhammaantii si ey ula kulmaan codbixiyeyaasha.

Xoghayaha xisbiga Liberalerna Maria Arnholm:

Dadku markeey dareemaan iney bulshada qayb ka yihiin ayey codeeyaan, midda ugu muhiimsan waxay tahay in la hagaajiyo is dhexgalka. Waxaa laga hadleyaa in xoogga la saaro barashada luuqadda iswiidhishka, barashada nidaamka nolosha bulshada ee ajaaniibta dalka ku cusub oo la hagaajiyo iyo shaqooyin sahlan oo la abuuro si dad inta maanta ka badan ay noloshooda ugu fillaadaan. Waxaa sidoo kale loo baahan yahay in dadka lagu dhiirigeliyo iney isticmaalaan awoodooda dimoqoraadiyadeed in xisbiyada iyo siyaasiyuuntu ku casumaan wada hadal iyo saameeyn iney yeeshaan muddada doorashooyinka u dhexeeysa.

Xoghayaha xisbiga Kristdemokraterna Acko Ankarberg Johansson:

Codeeyn hooseeysa waxay aakhirka waxyeeleeysaa nidaamka dimoqoraadiyadda. Dhanka kale dimoqoraadiyaddu waa masuuliyad laba dhinac ah. Axsaabtu waa iney ka jawaab celiyaan howlaha bulshada hor yaala, shacabkana waxaa saaran masuuliyad inuu ka qayb noqdo nidaamka dimoqoraadiyadda. Sidaa daraadeed waa iney xisbiyadu ku dadaalaan sidii ey ku gaari lahaayeen xaafadaha ey maanta.

Waa in aannu muujino dhibaatooyinka xaafadahaaka jira inaannu aragno, xalal macquul ahna loo hayaa. Xisbiga Kristdemokraterna ayaa aaminsan in dadka oo dhami meel walba oo ey ku dhaqan yihiin ey qeyb bulshada ka noqdaan. Ma ahan in cid laga tago. Waa inuu jiro iskuul wanaagsan, daryeel waayeel wanaagsan iyo caafimaad dhammaan. Xaafadna maahan in cidlo looga tago ama la ogolaado sharcidarro iney ka jirto. Waa in la aamini karaa in ciidanka ammaanku imanayo kolka loo yeerto.

Waa in la muujiyo inuu farqi jiro haddii dawladda la bedelo iyo inuu farqi keenayo in xisbiga Kristdemokraterna uu qayb ka noqdo dawladda. Codka nala siiyo waa mid dib u soo nooleeynaya nidaamka hab nolol-wanaagga bulshada – dhammaan, gaar ahaan danyarta. Dadku markay dareemaan inuu codkodu macne ku fadhiyo – markaa ayay isticmaali doonaan.

Xoghayaha xisbiga Socialdemokraterna Lena Rådström Baastad:

Jawaab: Midda ugu muhiimsan waxay tahay in la abaabulo siyaasad ahaan bulshada ku dhaqan nawaaxiyada laga hadleyo, si ay qayb uga qaataan isla markaana u qaabeeyaan mustaqbalkooda. Siyaasadda iyo siyaasiyiintu waa iney bulshada dhexdeeda ku sugnaadaan oo ey wadahadal joogto ah la wadaagaan. Xisbiga Socialdemokraterna waa ololaha wada hadalka, midda ugu muhiimsan doorashada sannadka iyo kala doorashada dhabbadii siyaasadeed ee la qaadi lahaa. Goolkayagu wuxuu yahay in waxa ka horreeya 9-ka bisha sebteembar aannu wadahadal la yeelanney illaa 1,5 milyan oo ruux oo ku dhaqan goobo kala duwan ee dalka – qaasatan iyada oo albaabbada la garaaceyo. Waxaan sidoo kale fulineynaa howlo warbixinno ku wajahan bulshada oo ku qoran luuqado kala duwan oo la fahmi karo.        

Xoghayaha xisbiga Miljöpartiet Amanda Lind:

Way adag tahay in tallaabo keliya farta lagu fiiqo, maadaama aannu u heysano inay tahay wax guud oo is wata oo sabab u noqda iney dadku codeeyaan ama aaney codeeyn. Codbixiyaha waxaannu dooneeynaa inaannu kula kulanno goobta uu ku sugan yahay, wada hadal fool ka fool ah iyo aalladaha ey bulshadu ku kulanto. Waxaannu ka fekernaa halka aannu dhigno baraakooyinka ololaha doorashooyinka si ey noogu suurtagasho in aannu la kulanno dadyoow aanay dhii lahayn. Stockholm tusaale ahaan waxaannu baraakooyin dhigney xaafadaha Rinkeby, Rissne iyo Hallonbergen. Mararka qaarkood luuqadda ayaa adkaata sidii warbixinta loogu fahmi lahaa, sidaa daraadeed ayaannu warbixinnadayada ugu tarjunnaa luuqado kala duwan. Midda kaloo muhiimadda leh waxay tahay in xisbi ahaan aannu dadka ula hadalno si furan oo ey fahmaan. Kolka laga hadleyo siyaasadda waxaa muhiim ah in si waadix ah loo gudbiyo fikirrada dhalinaya rajada mustaqbalka iyo in aannu la nidaamno xalal wax ka qabanaya dhibaatooyinka bulshada ka dhex aloosan. Maadaama ey meel walba ka jiraan codbixiyeyaal u heelan cimilada, nidaamka dimoqoraadiyaddana waa u muhiim in la gaaro dhammaan bulshada meel walba oo ay ku sugan tahay, magaalo iyo miyiba.

Xoghayaha xisbiga Vänsterpartiet Aron Etzler: 

Jawaab: Sweden sida wadammo kale oo badan waxa y dhibaatooyin ka heystaan inay dad badani aaminsan yihiin bulshadu in aanay midoodii ahayn, sidaa daraadeedna aaneay u codeeyn ama aaney qayb uga qaadan howlaha hoggaaminta buslhada. Guud ahaan waa in wax laga bedelaa jihada siyaasadda – Sweden waa inay noqotaa bulsho ku soconaysa dhammaan ee aan ku socon koox keliya.

Xoghayaha xisbiga Sverigedemokraterna Richard Jomshof:

Waxay la xiriirtaa aaminaadda bulshada iyada oo awoodda dib looga soo ceshenayo canaasiirta dambiileyaasha xagjirka islaamiyiinta, oo loo suurtageliyey iney ku baahaan qaarkood xaafadaha danyarta iyada oo xisbiyada kalena ogsoonaayeen. Iyada oo dhanka kale ay bulshadu wax ka qabaneeyso sidii loo adkeeyn lahaa awoodda haweenka ee goobahaa iyo in lala dagaalamo dhaqanka sharaf dhowrka, dibna loo soo nooleeyo nidaamka kala dambeeynta iskuulka. Waa in sidoo kale la xaqiijiyaa in dhammaan dadyoowga ku sugan Sweden la qabsadaan qiyaasta habfikir nololeedka bulshada Sweden. Kolka qayb laga noqdo bulshada Sweden waxaa caadi noqonaya in qofku isticmaalo codkiisa.