Xaliimo: Västerås kama duwanin codaynta magaalooyinka kale

4:17 min

Inuu qofku nafsaddiisa metelo oo doorashada ka qayb noqdo iyo inuu helo siyaasi wanaagsan ee meteli kara waa labada waxyaabood ee ugu horreeya kolka doorasho lahga hadleyo, sida ay sheegtay Xaliimo Jamaal Cilmi oo ku dhaqan magaalada Västerås, mar aannu booqasho ku tagney.

Xaliimo Jamaal ayaa sheegtay inkasta oo qooys ahaan ay is leedahay kuwa ugu roon ayaad ku jirtaa ay haddana tabaneeyso guuldarro dhanka suuqa shaqada kala soo gudboonaatay, inkastoo aanay eedda cidna saareyn.

Dhana kale waxay Xaliimo Jamaal Cilmi sheegtay in su’aasha ammaankuna tahay mid xiise gaar ah ugu fadhida gaar ahaan iyo guud ahaan dhammaan waalidiinta ku dhaqan magaalada.

Inkasta oo goobaha ey ajaaniibtu ku dhaqan yihiin laga sheego iney ku yar yihiin dadyoowga ka codeeya, ayay haddana Xaliimo Jamaal Cilmi markii saddexaad sannadka ay codkeeda ka dhiiban doontaa doorashooyinka dalka ka dhacaya muddadii ay ku noolayd Sweden, hase yeeshee ay sheegtay in magaaladeedu aanay waxba kaga duwaneeyn soomaalida ku dhaqan magaalooyinka kale ee dalka iyo heerka looga codeeyo:

Xaliimo Jamaal ayaa sheegtay in sannadka  aanau u muuqan mid doorasho, qaasatan soomaalida dhexdeeda, waa kolka loo barbar dhigo doorashadii middan ka horreeysay ee 2014, hase yeeshee filayso in sidan laga roonaan doono maalmaha dhiman.

Xaliimo Jamaal Cilmi, waxay sidoo kale sheegtay inay suurtagal tahay in kor loo soo qaado wacyiga soomaalida ee doorashada, hase yeeshee ey ka gaabiyeen siyaasiyiinta iyo dadka aqoonta u saaxiibka ah, sida ay hadalka u dhigtay.