SD oo ay u muuqato fursad saameyn

1:21 min

Natiijada siman ee doorashada ayaa keentay in saaka ay xisbiyadu bilaabaan ka wada hadalka sida ay u dhaqmi lahaayeen mudada soo socota.

Madaxa saxaafadda ee xisbiga Sverigedemokraterna Henrik Vinge ayey u muuqataa fursad keeni karta in xisbiga Sverigedemokraterna helo saameyn badan ee dhanka siyaasadda.

 – Waxey u muuqataa innuu sii xoogeysanayo miisaanka aannu ku yeelaneyno baarlamanka maadaama labada garab ee siyaasaddu heleen tiro cod isku dhow. Haddii ay dhacdo in xulufada alliansigu hesho cod ka yar kuwa rödgröna markaa waxa khasab ku noqon doonto iney noo yimaadaan haddii ay doonayaan iney beddelaan Stefan Löfven, ayuu yiri Henrik Vinge, Madaxa saxaafadda ee xisbiga Sverigedemokraterna.

Henrik Vinge oo ka jawaabaya waxa ay maanta ku howlan yihiin wuxuu yiri:

– Waxeynu u fariisan doonnaa ka wadahadalka sida uu baarlamanka cusubi u ekaan doono iyo talaabada aynu qaadi doono. Ma waxan u baahanahay inaan mar kale casuumaad u dirno xulufada alliansiga taasoo ku saabsan wada shaqeyn mise waxaan ka warsugnaa iyaga iney ka soo jawaabaan casuumaaddi hore? Ayuu yiri Henrik Vinge.