Andreas Norlén oo loo doortay afhayeenka baarlamanka

2:26 min

Musharrixii garabka midig ee Alliansen Andreas Norlén (M) ayaa loo doortay af hayeenka cusub ee baarlamanka Sweden.

Andreas Norlén (M) ayaa jagadaa kaga guuleeystay xildhibaanad Åsa Lindestam oo uu soo sharraxay xisbiga Socialdemokraterna codad gaarsiisan 203, halka xildhibaanadduna heshay 145. Waxay middaasi ka dhigan tahay inuu shakhsi dheeri ah uga codeeyey xisbiyada kale marka laga reebo isugeeynta codadkii xisbiyada V, MP iyo S oo dhan 144 xildhibaan.

Dagaalka ayuu iminka u dhexeeyaa musharrixiinta xisbiyada V iyo SD iyo ciddii qaban lahayd jagada ku simaha labaad ee af hayeenka baarlamanka.
Intii aanay bilaaban codeeyntii af hayeenka baarlamanka ayuu shaaca ka qaaday siyaasadda xisbiga Socialdemokraterna ee jagaadsi, hoggaamiyaha xildhibaannada xisbiga Socialdemokraterna Anders Ygeman, isagoona sheegay inuu xisbigiisu ka soo hor jeedo u magacaabidda Björn Söder SD ee jagada ku simaha labaad ee afhayeenka. Ereyadiisiina waxaa ka mid ahaa:

-Sverigedomokraterna waa xisbi mar walba bulshada u kala saara noocyo kala duwan ee iswiidhish ah, isagoona ku dhaga adeeyga inuu bulshada ku kala saaro dhaqan, habka galmada iyo qowmiyado, gaar ahaan marka laga hadleyo Björn Söder iyo jagada ku simaha labaad ee af hayeenka baarlamanka. Isagoo hadalkiisii sii watana sheegay in aanu ku habooneeyn inuu metelo baarlamanka Sweden.

-Mar haddii musharrax kale oo la tartama la soo bandhigey, wuxuu xisbiga Socialdemokraterna u codeeyn doonaa Lotta Johnsson Fornarve in loo magacaabo jagada ku simaha labaad ee af hayeenka baarlamanka, sida uu sheegay Anders Ygeman.