
Andreas Norlén (M): oo shaaca ka qaaday in berito 9:30 cod loo qaadi doono madaxa dawladda. sawir: Stina Stjernkvist/TT
Berito oo cod kalsooni loo qaadi doono Löfven
Af hayeenka cusub ee baarlamanka Sweden, Andreas Norlén (M) oo shir jaraa'id dhowaantan ku qabtay xarunta baarlamanka Sweden ayaa shaaca ka qaaday in berito, 25-ka bisha sebteembar saacadda 9:30 cod kalsooni ah loo qaadi doono madaxa dawladda Stefan Löfven.