
Musharrixiinta xisbiyada V iyo SD ee ku simaha labaad ee af hayeenka Björn Söder SD iyo Lotta Johnsson Fornarve V. sawir: TT
Fornarve oo ku guuleeysatay ku simaha labaad ee af hayeenka
Musharraxa xisbiga Vänsterpartiet Lotta Johnsson Fornarve ayaa loo doortay inay noqoto ku simaha labaad ee af hayeenka baarlamanka Sweden, jagadaasina oo ay kula tartameeysay Björn Söder oo ka tirsan xisbiga Sverigedemokraterna oo jagadaasi horay u hayay.
Kolkii jagadaasi looga guuleeystay musharrixii xisbiga SD Björn Söder, ayuu guddoomiyaha xxildhibaannada baarlamanka ee xisbiga SD Mattias Karlsson uu baarlamanka ka caddeeyay in Björn Söder uu mar kale u sharraxan yahay jagada ku simaha saddexaad ee af hayeenka baarlamanka. Waana doorasho iminka bilaabatay.