
Ra´iisal wasaare Löfven oo kalsoonidii lagala laabtay
Subaxnimada salaasadda saacadda 9:30 ayaa lagu wadaa inay xarunta baarlamanka ka dhacdo codeeynta kalsoonida madaxa dawladda Sweden, iyadoona la fileyo in kalsoonida lagala laabto Stefan Löfven. Hase yeeshee aan la ogsooneeyn waxa xigi doona.
– Way caddahay in Stefan Löfven kalsoonida uu ku waayi doono, hase yeeshee waxaan caddeeyn oo aan wax fikir ah laga heeysan tallaabooyinka ka dambeeyn doona, Maadaama laga sii fogaaneyo dhammaan xalalka jira kolka uu wakhtigu sii socdaba, sida uu sheegay hoggaamiyihii hore ee xisbiga Vänsterpartiet, Lars Ohly mar ay wareeysi la yeelatay laanta Studio Ett ee P1 galabnimadii isniintii ina dhaaftay.
Xubno matala xisbiyada Moderaterna, Socialdemokraterna, Vänsterpartiet iyo Centerpartiet ayaa loo doortey hoggaanka af hayeen ee baarlamanka afarta sannadood ee foodda innagu soo haya, doorashadii isniintii shalay ka dhacday baarlamanka.
Xisbiga Sverigedemokraterna, oo Björn Söder u soo sharraxay ku simaha labaad ee af hayeenka baarlamanka ayaa kursi halkaasi ku waayay. Iyadoona uu hoggaamiyaha xisbiga, Jimmie Åkesson sheegay in aanay macne ballaaran ku fadhin cidda noqota af hayeenka baarlamanka, hase yeeshee uu dhambaalkii isniintii ey xisbiyadu direen ahaa mid macne ku fadhiya, qaasatan xisbiga ugu dhumucda wayn ee xisbiyada garabka midig ee Alliansen.
– Waxay middaasi noo ahayd dhambaal tijaabo ah iyo habka uu xaaladahaa oo kale u dhaqmi karo xisbiga Moderaterna. Iminka wuxuu xisbigu diray dhambaal cad iyo inuu dooneyo xisbiga Sverigedemokraterna oo noqda mucaarad dhab ah. Markaa ma garan karo sida ay dawlad u dhisi karaan, sida uu ballan qaaday Ulf Kristersson, sida uu sheegay Jimmie Åkesson.
– Waxaan soo jeedin lahaa iney xisbiyadu is dejiyaan oo laga waantoobo ereyada kulkulul ee la is dhaafsaneyo. Waxay danta guud ee dalku ku jirtaa iney garabyadu meel dhexe isugu yimaadaan, sida uu sheegay Ulf Adelsohn oo horay u ahaan jiray hoggaamiyaha xisbiga Moderaterna sannadihii 1981-1986.
Tommy Möller, ahna caalin ka howlgala jaamicadda Stockholm, ayaa sheegay inuu xisbiga Socialdemokraterna ku guuleeystay doorashadii af hayeenka ee shalay ka dhacday baarlamanka, maadaama uu muujiyay inuu garabka midig aanu ka maarmin xisbiga Sverigedemokraterna.
Waana mid uu xisbiga Socialdemokraterna isticmaali doono xilliga kalsooni u qaadidda madaxa dawladda.
– Waxaan ka cabsi qabaa inay wakhti dheer qaadato. Xitaa maahan mid la hubo inay dawlad garabka midig dhismi doonto. Waxaa jira shuruudo badan oo dhinacyada siyaasadda kaga imaneya,kuwaasina oo xadadka sii adkeeyneya, sidii xilligii doorashada ka hor, sida uu sheegay Tommy Möller.