Dhismaha dawladda oo gashay xaalad cusub

1:41 min

Sida uu qorayo qodobka lixaad, kabitalkiisa 3-aad xeerka dawladnimo ee dalka Sweden waxaa saaka cod kalsooni lagu riday madaxii dawladda Sweden Stefan Löfven, kadib markii ey xildhibaannada siddeeda xisbi ee xubnaha ku leh baarlamanku codadkooda ka dhiibteen.

Mar uu af hayeenka baarlamanku iclaaminayay natiijadii codeeynta:

-Waxaa la soo gabagabeeyey codeeyntii waxayna ku dhammaatay: 204 Maya ku codeeyey, 142 Haa ku codeeyey, ma jirto cid ka aamustay, sida uu sheegay Andreas Norlen, afhayeenka baarlamanku.

Shir jaraa’id oo uu dabadeed qabtay ku simaha madaxa dawladda, Stefan Löfven ayuu ku sheegay in garabka casaan caggaarku yahay garabka ugu aqlabiyadda badan, isla markaana uu weli diyaar u yahay inuu awoodda dalka hoggaamiyo.