Xeerkii degennaanshaha dugsiga sare oo la hirgelin karo

1:39 min

Maxkamadda sare ee socdaalka oo eegis ku sameeysay laba dacwadood ayaa shaaca ka qaaday in la hir gelin karo xeerka lagu magacaabo "xeerka deggenaanshaha ee dugsiga sare", sida maxkamadda racfaanku saaka ku qortay barta aaladda Twitterka.

Xeerkan ayuu macnihiisu yahay in suurtagal deggenaansho ee mar kale ah lagu  siiyo tacliinta dugsiyada sare, waana xeer hirgalay 1-dii bishii luulyo 2018.

Maxkamadda sare ee socdaalka ayaan u arag in si aan wanaagsanayn loo soo diyaariyey xeerkan iyo sidoo kale in aanu ka hor imanayn xeerka EU, hoos u dhigga darajada caddeeynta shakhsiga.

Xeerkan ayaa saameeyn ku yeeshay dhallinyaro lagu qiyaaso illaa iyo shan kun, kuwaasina oo badankood ka soo jeedaan dalka Afgaanistaan.

Hodan Toosh oo in muddo ah la soo shaqeeyneeysay dhallinyarada kelinimada ku timaadda, welina ku howlan sidii ey nolosha ugu sahli lahayd ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay suurtagalka xeerka deggenaanshaha dugsiga sare oo horey uu muran uga taagnaa: