
”Ciyaartii dhabta ahayd ayaa iminka bilaabanaysa”
Caalinka culuunta dhismaha dawladda Jonas Hinnfors oo la hadlayay shirkadda wararka Sweden ee magaceeda loo soo gaabiyo TT ayaa sheegay iney dhammaan xisbiyadu u codeeyeen sidii ey horey u sheegeen iney u codeeyn doonaan.
"Midda keliya ee shakiga laga qabay waxay ahayd iney xubnaha xisbiga Sverigedemokraterna codadkooda hoos u dhigaan si ey cadaadiska ugu kordhiyaan garabka midig ee Alliansen. Hase yeeshee aaney imnka ku tallaabsan middaa."
Dhanka kale wuxuu Hinnfors aaminsan yahay inay xaaladda siyaasaddu cakirantay iyo habkii dawlad lagu soo dhisi lahaa:
"Waxaa iminka bilaabanaya ciyaartii dhabta ahayd ee siyaasadda. Waxaa iminka la gaaray xilligii ey xisbiyadu sida dhabta ah u wada xaajoon lahaayeen. Wixii intaa ka horreeyay waxay un ahayd sheeko", sida uu sheegay Jonas Hinnfors oo la hadlay TT.
Xisbiga Socialdemokraterna ayaa horay sheegay in aanu marna xisbi taageero u noqon doonin garabka siyaasadda ee Alliansen, maadaama ay middaasi noqon kari lahayd dhabba hor leh ee aan dimoqoraadiyadda ku dhisneyn ee la qaaday, marka haddii aaney xisbiyada garabka midig ka baxeyn ballanqaadkoodii in aaney taageero ka doonan doonin xisbiga Sverigedemokraterna, haddii laga dhabeeyana suurtagal maahan inuu garabka midig dawlad soo dhiso, sida uu sheegay Stefan Löfven.
-Goobo badan ee dalkeena ka mid ah ayey xisbiyada garabyada siyaasaddu wada shaqeeyn sameeyaan, sidii ey maamullo shaqeeya uga dhisi lahaayeen hoggaannada degmooyinka iyo gobollada. Bulshada Sweden ayaa xaq u leh inay tallaabo middaa la mid ah ka filaan garabyada siyaasadda ee qaran.
-Anigu waxaan si hagar la’aan ah aan ugu howlgeli doonaa sidii aan bayad noocaasi ah ku abuuri lahaa iyo sidii aan ku dhisi lahaa dawlad dalka u daneenaysa oo xabaasha garabyada siyaasadda. Annagu haddaannu nahay xisbiga Socialdemokraterna waxaanu abid, abbid masuuliyad ka qaadeynaa Sweden, xasiloonida Sweden iyo hor u marinta nidaamka dimoqoraadiyadda. Horay ayaannu u sameeyney, maanta ayaannu sameeyneynaa, sidoo kale waxaannu sameeyn doonnaa mustaqbalka, sida uu sheegay Stefan Löfven.