
Cabdiqani: Siyaasadda Sweden waxay i soo xasuusiyay 1991
Af hayeenka baarlamanka ayaa khamiista foodda innagu soo haysa bilaabi doona howlihiisa la xiriira la tashiga hoggaamiyeyaasha xisbiyada iyo sidii uu ku soo xuli lahaa cidda suurtagalka u leh inay dawlad soo dhisto.
Hoggaanka dalka ayaa gacanta ugu jira madaxii hore ee dawladda Stefan Löfven oo iminka ah ku simaha madaxa dawladda, kadib saaka oo baarlamanku uu kalsoonidii si aqlabiyad leh ugala noqday.
Cabdiqani Maxamed Jaamac oo ku dhaqan magaalada Stockholm, kana mid ah ardeyda wax ka barata jaamicadda Stockholm ayaannu wax ka weeydiinney siyaasadda cakiran ee beryahan dambe ka aloosan garabyada siyaasadda iyo xaaladdu halka ay u muuqato inay ku dambeeyn doonto, sida ay la tahay:
Wareeysigii oo dhan halkan ka dhageeyso.