Busch Thor: Waxaa na khasbaya habkii ay bulshadu u codeeysay

3:55 min

Xisbiga Kristdemokraterna ayaan meesha ka saareeyn fikirka in lala macaamilo oo taageero laga heloo xisbiga Sverigedemokraterna.
Hase yeeshee waxaa middaa diidan xisbiga Liberalerna.

– Wax xoogaa ah way iga fajicisay, sida uu sheegay Jan Björklund, hoggaamiyaha xisbiga Liberalerna.

– Aakhirka waxaannu ku khasbannahey sidii ay bulshadu u codeeysay, taageeradaana waxay nooga muuqataa xilshibaannada baarlamanka, sida ay hoggaamiyaha xisbiga KD Ebba Busch Thor u sheegtay laanta wararka ee Ekot.

Xisbiyada garabka midig ee Alliansen ayaa dhinacyo kala duwan u jiidaya xarigga dhismaha dawladda. Hoggaamiyaha xisbiga L, Jan Björklund ayaa diidmo cad kala hor yimid in la dhiso dawlad aan taageero ka heeysan xisbiga Socialdemokraterna. Hoggaamiyaha L, wuxuu la fajacay in hoggaamiyaha xisbiga KD, Ebba Bush Thor ay ka dhawaajisay suurtagalka ah inuu garabka Alliansen uu soo dhiso dawlad ku tiirsan taageerada xisbiga Sverigedemokraterna.

– Dhammaan afarta hoggaamiye ee xisbiyada garabka midig waxey ku taami jireen arrin middaa lidkeeda ah wax yar ka hor maalintii doorashada, marka waa arrin xoogaa iga fajiciyay, sida uu Jan Björklund u sheegay shirkadda wararka Sweden ee TT.

– Waa wax lala yaabo in    doorashada dabadeed la sheego wax lid ku ah, sida ay ila tahay, isagoona intaa raaciyay in doorashada dabadeed loo baahan yahay in lagu hadlo ereyadii doorashada horteed lagu hadli jiray.

Laakiin Ebba Busch Thor waxay leedahay waa inuu garabka midig ee Alliansen uu soo dhiso dawlad taageero ka helaysa xisbiga Sverigedemokraterna.

– Wax dhib ah kuma qabo in siyaasaddayadu socoto iyo inaannu dawlad soo dhis karno iyada oo aan loo aaba yeeleeyn qaabka taageerada baarlamanka lagu heeystaa tahay, sida ay sheegtay.

Dhib uma aragtid marka in dawladdiina ay ku taagan tahay taageerada  Sverigedemokraterna?

– Maya. Ereyadeeydu isku mid un bay ahaayeen muddadii aan xilka hoggaanka xisbiga hayay oo dhan, sida ay sheegtay Ebba Bush Thor.

Xisbiyada aad xulufada tihiin fikirkan ma qabaan maxaa ka dhalan kara?

– Waxaan doonayaa inaan hoosta ka xariiqo wada jir wixii aannu u niri garabka midig. In fikirrada iyo is bedellada waaweyn loo baahan yahay in taageero looga doono xisbiga socialdemokraterna ee garabka bidix, sida ay sheegtay.

Iyadoona intaa raacisay in aanay dhibaato u arag in taageero laga doono baarlamanka. Taageerada ayaa u muuqaneeysa siyaabo kala duwan su’aalaha kala duwan, sida ay hadalka u dhigtay.

– Diyaar uma ihi inaan sii arko Stefan Löfven oo afar sannadood oo hor leh awoodda sii haya, haddii ay jirto dawlad taageero kale heli karta, sida ay sheegtay.