Kakabaveh oo laga qadiyey guddihoosaadyada baarlamanka

5:19 min

Gabagabdii doorashada dabadeed waxaa duradiiba khilaaf uu ka dhex abuurmay hoggaanka xisbiga Vänsterpartiet iyo xildhibaanad xisbiga ka tirsan oo in muddo ahba is qabqabsi uu kala dhexeeyay, Amineh Kakabaveh xildhibaanad ku dhaqan xaafadda Skärholmen.

– Waxaan dareemayaa inay tahay cadaalad darro aad u ballaaran, wixii intaa dhaafsiisan waa iney iyagu ka jawaabaan.

Is qabqabsiga ayaa ka dambeeya in aan xildhibaanadda markanna laga qayb gelin xubnaha guddi hoosaadyada baarlamanka oo aan ka ahayn xubin suge.

Liiskii doorashada ee xisbiga ayuu hoggaanka xisbigu ka saarey inay isu soo taagto musharrixiinta xildhibaannada baarlamanka, hase yeeshee kulan ey xubnaha xisbigu yeesheen, loo codeeyey in liiska dib loogu soo celiyay iyadoona gashay kaalinta siddeed. Hase yeeshee maadaam uu xisbigu kor u kacay kuna heley laba xubnood oo dheeri ah xubnaha xildhibaannada baarlamanka ee magaalada Stockholm ey sidaasi ku heshay hase yeeshee aanay ka dambeeyn oo keliya ololeheedii doorashada un, sida uu sheegay Cabdirashiid Cabdi Maxamed oo muddo ka tirsanaa xisbiga Vänsterpartiet, islamarkaana u sharraxnaa doorashadii sannadka golaha baarlamanka, mar aannu khadka telefoonka kula xiriirney:

Cabdirashiid Cabdi oo hadalkiisii sii watana sheegtay inuu xisbigu leeyahay guddi doorasho oo u soo qoondeeya xildhibaan walba guddi hoosaadkii uu qaybta ka noqon lahaa. Waana howl si wanaagsan oo sax ah u dhacday, sida uu sheegay: 

Amineh Kakabaveh ayaa sheegtay inay xisbiga ku wargelisay inay dooneeyso xubin inay ugu metesho guddihoosaadyada baarlamanka ee arrimmaha dibadda, suuqa shaqada, waxbarashada ama dhaqanka, hase yeeshee lagu casumey oo keliya inay xubin suge xisbiga uga noqoto guddi hoosaadka arrimmaha EU ee baarlamanka.

– Waan iska diiday, waxaan doonayaa inaan siyaasad ku shaqeeyo, sida ay sheegtay.