
Wada hadalka waxaa looga hor tagi karaa cudurada maskaxda
Kooxaha wada xajoodka ee goobaha shaqada ayaa la filayaa in ay caawin karaan dadka la ildaran cadaadiska amba streeska. Sida laga ogaaday baadhitaan ay wada jir u sameeyeen jaamacada Linné iyo ururka hoggaannada degmooyinka iyo gobollada ee magaciisa loo soo gaabiyo SKL.
Cudurada maskaxda ayaa sabab u ah boqolkiiba 50 dadka jirada isku qora, halka uu streesku yahay ka ugu caadisan, waa sida uu tirokoobka qasnadda caymiska ee Försäktingskassan.
Lena Lind oo ku nool magaalada Krokom ee waqooyiga dalkan ayaa ka mid ah dadka dhibaatadani haleeshay.
-Hurdadii ayaa igu adkaatay, sidoo kale cadhadeeyda ayaa faro badatay, sida ay sheegtay.
Waxeey ka mid aheeyd dadkii ku jiray cilmibaadhistan ee lagu tijaabiyay kooxaha wada xajoodka. Toban sbuuc, laba saacadood markii ba sida ay shaqaaluhu uga hadlan dhibaatooyinka haysta iyo wixii niyadooda ku jira. Dhamman dadka lagu tijaabiyay cilmi baadhistan ayaa la ildarna cudurada maskaxda.
Boqolkiiba 75 dadkan ayaa 10 sbuuc ka dib dareemay in calaamadihi streesku ka ba'ay . Rickard Bracken wuxuu ka hawlgalaa SKL.
-Aad ayaan ugu faraxnay natiijada aanu aragnay tobanka isbuuc, ayuu sheegay.