
Wada xaajoodka dhismaha dawladda oo maanta la guda galey
Af hayeenka baarlamanka ayaa maanta wadahadallo la bilaabi doona hoggaamiyeyaasha xisbiyada iyo sidii looga xaajoon lahaa nooca dawladda la soo dhisi doono iyo cidda soo dhisi doonta.
Kullammada ayaa socon doona maanta oo dhan, hase yeeshee uu gelinka hore la kulmi doono hoggaamiyeyaasha xisbiyada Socialdemokraterna oo uu soo raaco Moderaterna.
– Waxaan ula kulmi doonaa xisbiyadu sida ay u kala dhumuc waaweyn yihiin. Aniga oo ka codsan doona iney sawir iga siiyaan xaaladda siyaasadeed ee dalku ku sugan yahay, dabadeed waxaan rajeeynayaa inaan ka wada hadli doonno dhismaha dawladda, dhismaha golaha wasiirrada iyo mustaqbalka siyaasadda, sida uu sheegay Andreas Norlén, af hayeenka baarlamanka Sweden.
Saacadda 10-ka subaxnimo ee saaka wuxuu af hayeenku la kulmi doonaa hoggaamiyaha xisbiga Socialdemokraterna, Stefan Löfven, dabadeed mid mid ayuu hoggaamiyeyaasha kale ula kulmi doonaa illaa kulanka ugu dambeeya ee uu la yeelaneyo xisbiga Miljöpartiet abbaaraa 17:45.
Andreas Norlén ayaa rajeeynaya iney kulammadu noqdaan kuwo la isku qalbad furan yahay, inkasta oo aanu fileeyn in maantaba la guda geli doono sidii xisbiyada uu ugala xaajoon lahaa waxyaabaha ey diyaarka u yihiin inuu dalku yeesho dawlad.
– Markan waa kulankii ugu horreeyay wuxuuna noqon doonaa mid arrimmo guud looga wada xaajoodo, sida guud ahaan loo arko xaaladda siyaasadeed ee uu dalku ku sugan yahay iyo arrimmaha dhismaha dawladda, sida uu sheegay Andreas Norlén, isagoo hadalkiisii sii watana wuxuu yiri:
– Howshaydu waxay tahay sidii aan baarlamanka u hor keeni lahaa cid u sharraxan inay qabato hoggaanka dalka. Intaa waxaa dheer inuu af hayeenka baarlamanku soo bandhigo xisbiyada uu madaxa dawladdu taageerada ka heleyo.
Jadwalka kulammada:
•
10.00 xisbiga Socialdemokraterna
•
10.50 xisbiga Moderaterna
•
11.40 xisbiga Sverigedemokraterna
•
13.15 xisbiga Centerpartiet
•
14.05 xisbiga Vänsterpartiet
•
14.55 xisbiga Kristdemokraterna
•
15.45 xisbiga Liberalerna
•
16.35 xisbiga Miljöpartiet
Shir jaraa’id
Kulammadaa dabadood wuxuu af hayeenku shir gaaban oo wargelineed ku qaban doonaa xarunta saxaafadda ee baarlamanka, qiyaastii saacaddu markay tahay17:45.