Lööf oo carabawday inay wadahadal la qaadan doonto Löfven

0:49 min

Hoggaamiyaha xisbiga Centerpartiets Annie Lööf ayaa rajenaysa inay kulan heer hoggaamiye ah la yeelato Stefan Löfen gabagabada toddobaadkan, horraanta midka foodda innagu soo haya.

– Waa in la sii xoojiyaa wadahadallada garabyada siyaasadda maalmaha foodda innagu soo haya, sida ay sheegtay Lööf mar ay la hadashay shirkadda wararka Sweden ee magaceeda loo soo gaabiyo TT.
Lööf ayaa sidoo kale ku celisay ereyadii hoggaamiyaha xisbiga KD Ebba Busch Thor iyo inuu garabka Alliansen heshiis ka yahay aragtida ey ka qabaan xisbiga Sverigedemokraterna, sida ay sheegtay Annie Lööf.