
Kulammadii af hayeenka iyo hoggaamiyeyaasha xisbiyada oo bilowdey. sawir: Henrik Montgomery/TT.
Af hayeenka oo bilaabey kulammadiisii
· Af hayeenka baarlamanka Andreas Norlén (M), ayaa maanta mid mid ula kulmi doona, hoggaamiyeyaasha xisbiyada sidii uu ugala xaajoon lahaa dhismaha dawlad uu dalku yeesho.
· Hoggaamiyeyaasha xisbiyada ayuu af hayeenku u qaabili doonaa sida ay xisbiyadu u kala dhumuc weyn yihiin. Xisbiga Socialdemokraterna ayaa ugu horreeya.
· Af hayeenka ayaa qaban doona kulan saxaafadeed kolka uu soo gabagabeeyo kulammada maanta.