
Muuse Isse, qoraa swedish-soomaali ah. sawir: Gaar ayaa loo leeyahay.
Carwadii buugaagta oo albaabada loo furay
Carwaddii 34-aad ee sannadka 2018 ayaa maanta laga furay magaalada Göteborg. Tan ayaa afarta maalmood ee foodu inugu haya lagu qaban doonaa halkaas. Marka laga yimaado qiimaha carwadu ugu fadhido ban-dhigidda suugaanta, waxay kaloo daaqad muhiim ah u tahay doodaha bulshada.
Waxaanu wareeysanay Muuse Isse oo ah qoraa swedish-somali ah oo hadda halkaask u sugan.
-Waxaan u imid sida aan uga hadlo buuga ”Caruurteena”. Waa buug aan tifaatire u ahay, ayuu sheegay.