Nidaamka higaadinta xuruuftu waa inuu la jaan qaado wakhtiga

3:18 min

Kalle Erik Niklas Adam David Ivar David, sidoo kale waxaan oran karaa, Karim Eva Abdi Daud Ingrid iyo Daud, waa xuruufta ugu horreeya ee magacayga Kenadid. Qaybta hore ee aad maqasheen waa nidaamka xuruufta iswiidhishka u degsan kolka la higaadineyo magac ama eray, waxa lagu magacaabo ”bokstaveringsalfabetet”, nidaamkaasina waxaa la dejiyey oo uu ka soo jeeda qarnigii 18-aad.

Iyada oo nidaamkaasi iminka laga muujiyey dhaleeceeyn la xiriirta inuu yahay mid gaboobey oo u baahan in wax laga bedelo, sida ay qoreen ururka xiriirinta cadaaladda Rättviseförmedlingen iyo urur daladeedka Fredrika Bremer.

– Sababta oo ah waa nidaam gaboobay, waa mid ka tarjumaya xilli hore ee qarnigii 18-aad, waxaana loo baahan yahay nidaam ka tarjumaya nolosha maanta. Xaqiiqdii waxaan oran lahaa inay la xiriirto arrimmaha dimoqoraadiyadda oo salka ku haya sida ay tahay in waaqiciga maanta jira. Waxaan u baahannahay inay bulshadu tahay mid furfuran oo cid waliba iska dhex arki karto, sida ay sheegtay, iyadoo hadalkeedii sii wadatana sheegtay:

-In nidaamka maanta la isticmaalo ee xuruufta uu yahay mid aan loo dhammeyn, loona baahan yahay iney hayadaha iyo bulshaduba isticmaalaan nidaam dhambaal wanaagsan ka tarjumaya ama bixinaya sida ay sheegtay Seher Yilmaz, guddoomiyaha ururka Rättviseföreningen mar ay saaka la hadashay laanta idaacadda ee P1 Morgon.

Nidaamka xuruufta ee maanta jira wuxuu ka soo jeedaa qarnigii 18-aad, midkaasina oo gebi ahaan ka kooban un magacyo rageed, sida tusaale ahaan Adam, Bertil, Cesar, David, Erik, Filip, Gustav, Helge, Ivar iyo wixii la mid ah. Halka uu ururka Rättviseförmedlingen iyo urur daladeedka Fredrika Bremer soo jeedineyaan tusaale ahaan magacyada Pippi iyo Khaled.

Wasaaradda gaashaan dhigga oo nidaamkan si aad ah u isticmaasha ayaa sheegtay in fikirkani yahay mid wanaagsan, hase yeeshee ay dhib badan tahay sidii wax looga bedeli lahaa, isla markaana loo baahan yahay in sidiisa lagu daayo, sida uu sheegay Jesper Tengroth, ahna gacan yare ka howlgala wasaaradda gaashaandhigga.

–Waa wax u baahan inuu dhuuxa lafta kaaga jiro oo aannu shaki kaa gelin xilli dagaal lagu jiro, marka waa howl adag in wax laga bedelo, sida uu sheegay Jesper Tengroth oo ka howlgala waaxda saxaafadda ee wasaaradda gaashaan dhigga.