
Furtenbach: Hoggaamiyaha M wuxuu hayaa dhabbadii KD
Waxaa saaka bilowday kulammadii af hayeenka baarlamanka Sweden, Andreas Norlén uu la lahaa hoggaamiyeyaasha xisbiyada. Fredrik Furtenbach ayaa ka faallooday kulammadii ugu horreeyey ee Löfven iyo Kristersson.
– Xoogaa war bixin ah waannu helney, mid waxaa weeye inuu Löfven sheegay in dawladda cusubi suurtagal u haysato miisaaniyaddeeda siday ku marsiin lahayd ay tahay lagama maarmaan, sida uu sheegay Fredrik Furtenbach.
– Dabadeed waxaan garawsaday, waxyaabaha aan Ulf Kristersson afkiisa ka soo bixin. Labada hoggaamiye ee Centerpartiet, Lööf iyo Liberalerna Björklund waxey sheegeen in aan la dhisi karin dawlad garabka midig ee Alliansen, haddii aan heshiis lala gelin xisbiga Socialdemokraterna. Ereyadaa lagama maqal Ulf Kristersson, waxay u muuqataa sida ay ila tahay inuu ku taagan yahay dhabbadii Ebba Busch Thors, in la tijaabin karo dawlad uu garabka Alliansen soo dhiso oo la eego nasiibkeeda inay socon karto.