
Habka dawlad loo soo dhisi doono
Inkasta oo weli socdaan kulammadii hoggaamiyeyaasha xisbiyadu ey la yeelaneyeen af hayeenka baarlamanka Andreas Norlén, waxaa halkoodii ka socda is herdidii iyo inaan cidina mowqifkeedii ka soo dhowaan.
Hoggaamiyaha xisbiga Socialdemokraterna Stefan Löfven, ahna ku simaha madaxa dawladda oo horraantii la kulmay af hayeenka ayaa sheegay inuu aaminsan yahay inay waajib tahay in cidda dawladda soo dhiseeysaa muujiso sidii ey miisaaniyaddeeda ku marsiin lahayd baarlamanka.
Halka uu hoggaamiyaha xisbiga Moderaterna Ulf Kristersson uu kulankaa dabadii sheegay inuu doonayo dawlad Alliansen-ku soo dhiso:
-Waxaan diyaar u ahay inaan hoggaamiyo oo aan tijaabiyo dawlad ka kooban xisbiyada garabka midig ee Alliansen, sida uu sheegay hoggaamiyaha xisbiga Moderaterna, kadib kulankii uu la qaatay saaka af hayeenka baarlamanka, midkaasina oo looga xaajoonayey cidda ku habboon inay dawlad soo dhisto.
Waxaa isaguna soo bandhigay waxyaabihii ey ku wada hadleen af hayeenka hoggaamiyaha xisbiga Sverigedemokraterna Jimmie Åkesson wuxuuna sheegay inuu diyaar u yahay wada hadal cid walba oo daneenaysa, islamarkaana kala xaajoota siyaasadda xisbiga iyo shuruudaha uu doonayo in wax laga qabto, sida uu hadalka u dhigay.
-Waxaan sidoo kale ku wargeliyay inaan u dhaga nugulahay wadahadal, ama hab kale oo ra’iisal wasaaraha mustaqbalka lagu gaarsiin karo shuruudeheenna. Muhiimaddu waxay tahay shuruudeheenna siyaasadda waxa ka suurtagala
Hoggaamiyaha xisbiga Centerpartiet oo ka hadashay mar wax laga weeydiiyay kulankii ay la yeelatay af hayeenka baarlamanka Andreas Carlen ayaa sheegtay in sida xaaladdu iminka tahay aanay suurtagal ahayn in la dhiso dawlad ka kooban garabka midi gee Alliansen:
-Xisbiga Centerka waa mid aan ka suurtoobin xaaladda iminka inuu qayb ka noqdo dawlad ka kooban garabka midig ee Alliansen, iyad oo taageero laga heleyo oo keliya xisbiga Sverigedemokraterna. Maadaama ay taageeradiisu la socdaan shuruudo iyo in lala wada xaajoodo. Iyadoo hadalkeedii sii wadatana sheegtay inay af hayeenka u sheegtay in aanu xisbigeedu doonayn inuu qayb ka noqdo dawlad ku tiirsan SD.
-Waxaan dooneynaa inaan dhisno dawlad Alliansen oo heshiis la gashey garabka bidix iyo Socialdemokraterna, sida ay sheegtay Annie Lööf.