Shirkadaha Boeing iyo Saab oo qandaraas ku guuleeystey

2:14 min

Shirkadda Boeing ayaa ku guuleeysatay qandaraas ballaaran dalka Mareeykanka ee sancada dayuurradaha duulimaadka lagu barto, sida ay qortay shirkadda wararka ee Reuter.

Shirkadda Boeing waxay guusha ku gaartay natiijadii ka soo baxday wada shaqeeyn ka dhexeeysay shirkadda iswiidhishka ee Saab, kadib markii ey soo saareen nooca sancada ee lagu magacaabo Boeing T-X.

– Waa dhacdo ku wayn taariikhda sancada warshadaha ee dalka Sweden, sida ay shirkadda wararka Sweden ee magaceeda loo soo gaabiyo TT u sheegtay madaxa laanta saxaafadda ee shirkadda Saab Ann Wolgers TT.
Qandaraaskan ayaa la xiriira dayuurado tiradoodu gaarsiisan yihiin 351 oo ku kacaya  9,9 bilyan oo doolar oo u dhiganta 81 bilyan oo koron, sida ay sheegtay shirkadda wararka ee Reuter.

Qoraal saxaafadeed ay soo saartay shirkadda Saab ayaa lagu qeexay in 90% ey howlaha soo saarka dayuurraduhu ku qabsoomi doonaan dalka Mareeykanka, middaasina oo abuuri doonta shaqooyin gaarsiisan 17 kun, hase yeeshee aanay caddeeyn inta goobo shaqo oo qandaraaskani ka abuuri doono Sweden.

Shirkadda Saab ayaa ka gaabsatay inay faahfaahinno intaa dhaafsiisan ka bixiso qandaraaskan. Hase yeeshee uu saadaaliyaha waraaqaha ganacsiga ee Douglas Lindahl, oo ka howlgala shirkadda Kepler Cheuveux sheegay in aanay goobo badan oo shaqo guud ahaan ka abuuri doonin qandaraaskani Sweden, marka laga yimaado horraanta, howlaha badankoodna ku qabsoomi doonaan dalka Mareeykanka.

-Dayuuradaha waxaa badankood lagu sancadeeyn doonaa dalka Mareeykanka. Bilowga howlaha ayaa howlaha qaar laga sancadeeyn doonaa shirkadda Saab ee magaalada Linköping, hase yeeshee maahan qaar sidaa u badan, sida uu sheegay.