Furaha siyaasadda Sweden

 

·       Beryahan waxey howlo ballaaran oo is daba joog ah ka socdaan masraxa siyaasadda ee dalka Sweden.

·       Af hayeenka baarlamanka, Andreas Norlén ayaa mid mid ula kulmey hoggaamiyeyaasha xisbiyada sidii uu uga soo baaraan degi lahaa cidda loo magacaabi doono inuu dalka hoggaamiyo.

·       Xisbiyada Centerpartiet iyo Liberalerna ayaa la aaminsan yahay iney fursad qaali ah ku leeyihiin dhismaha dawladda ee mustaqbalka.

Af hayeenka baarlamanka Andreas Norlén wuxuu saaka wada tashi la yeelan doonaa ku simeyaasha af hayeenka ee baarlamanka.