Ekeroth: Jimmie waan kala aragti duwannahey

4:04 min

Mid ka mid ah xildhibaannadii uu xisbiga Sverigedemokraterna ka masaxay liiskii doorashada ee sannadka Kent Ekeroth oo muddo siddeed sannadood ah u meteli jirey xisbiga SD baarlamanka ayaa barnaamij dokumentaar ah oo ey ka sameeysay idaacadda Raadiyaha Sweden kaga warramey waxyaabo ey ka mid yihiin korriimmadisii, fadeexaddii tuubada birta iyo guulihiisii siyaasadda.

 Wareeysiyada barnaamijka ayaa la qaadey muddadii sideedda sannadood ee uu qaybta ka ahaa xildhibaannada xisbiga SD ee baarlamanka Sweden iyo dabadeed kolkii uu xilkaasi waayay.

– Waa fal tiiraanyo leh in xilka laga tago kolka la eego dhammaan waxyaabihii aan siyaasadda ka soo qabtay, sida uu sheegay Kent Ekeroth.

Xilligii gu’ga ee sannadkii 2018 ayay ahayd kolkii hoggaanka xisbiga SD uu liiska doorashada ka saaray Kent Ekeroth. Iyada oo muddo aan wax badan ka horreeyn ay maxkamadda degmada Stockholm ku riday xukun jir dil sahlan oo dabadeed ay maxkamadda racfaanku ka masaxday kolkii uu abiil ka qaatay.

Hoggaamiyaha xisbiga Jimmie Åkesson ayaa doonayay inuu xisbiga ka nadiifiyo dhammaan shakhsiyaadka ku kacay ama ka hadlay falal waxyeeleeneya ama ka leexinaya doodda siyaasadda dhabta ah ee xisbiga. Hase yeeshee uu Kent Ekeroth maanta ka xun yahay habka loola dhaqmey ee liiska looga saaray.

– Waxay ila tahay in aanay wanaagsanayn, in aaney ku dhiiran karin 12 sannadood oo halgan aannu ku soo wada jirney. Hase yeeshee waa siyaasad xaaladdeeda. Jimmie-na aragti buu leeyahay, aniguna aragti.

Ma ka wada hadasheen xaaladdaa?

– May, Waxaan u diray dhambaal aan ku iri mar waa inaannu wada fariisanaa oon qaxweeynaa. Wuxuu markaa igu yiri inaannu sameeyn doonno, laakiin doorashadii ayaa soo dhex gashay.

Xiriir intaa ka badan ma eydaan yeelan?

– May.

Kent Ekeroth wuxuu dalka ku caan noqday kolkii uu wargeeyska Expressen uu daabacay sannadkii 2012 aflaantii fadeexaddii tuubada birta - järnrörsfilmen. Wuxuuna maanta aaminsan yahay in dhacdadii waagaasi ee waddada Kungsgatan si aad ah loo buunbuuniyey.

– Erik Almquist wuxuu waday daandaansi, waana mid uu qirsan yahay. Wuxuu ahaa fal aan wanaagsanayn, oo ka sii liita kolka filimka la daawado. Laakiin haddii la eego sida xaaladdu ahayd ma ahayn wax sidaa u wayn.

Maxaad ka shalaydaa?

– In aannu sii joogney oo aannu la muranney.

Kolkii Kent Ekeroth gugii ina dhaafay laga saarey liiska doorashada xildhibaannada baarlamanka wuxuu aad u ammaanay hoggaamiyaha dalka Hangeeriya Victor Orban, isagoona sheegay inuu dalkaa u guuri doono. Hase yeeshee uu dib u dhac ku yimid guuristiisii. Wuxuuse rajeeynayaa Kent Ekeroth iney Sweden u soo guuraan hungeeriyaan badani.

– Waxaan aaminsannahey in bulshada Sweden tahay mid aad u wanaagsan, hase yeeshee aad u cabsi iyo yaxyax badan. Xaqiiqdii markaan ka hadlana, Sweden way u wanaagsanaan lahayd iney u soo qaxaan hungeeriyaan badani. Waxaa markaa la heli lahaa ugu yaraan dadyoow qiimeeyn caqli gal ah sita, sida uu sheegay.

Halkan ka dhageeyso dokumentaarkii oo af iswiidhish ah.