Abaalmarinta Nobel-ka cilmiga fiisiyoolajiga ama dawooyinka

1:52 min

Waxa maanta bilaabanaya todobaadka Nobel ”Nobelveckan” iyadoo la soo bandhigayo cidda ku guuleysatay abaalmarinta Nobelka sanadka.

Waxa ugu horeeya abaalmarinta Nobel-ka cilmiga fiisiyoolajiga ama dawooyinka iyadoo cidda ku guuleysatayna laga shaacin doono Karolinska institutet saacadda 11.30.

Annika Östman oo ah wariyaha arimaha dawooyinka ee vetenskapsradion ayaa aaminsan in sandkan abaalmarinta Nobel-ka dawooyinka la siin doono Emmanuelle Charpentier iyo Jennifer Doudna oo soo saaray qaab heer sare ah oo hidde sidaha ama gen-ka loo jari karo.

Middidan molekiyuulka hidde sidaha ah ayaa loo isticmaali karaa jarid, ku kordhin ama wax ka beddelka koodhka hidde sidaha taasoo loogu yeero CRISPR/cas 9.

Cilmi-baarayaasha soo saaray qaabkan ayey marki hore ujeedadoodu aheyd iney fahmaan sida ay u shaqeyso bakteeriyada caadiga ah ee keenta cudur xummad leh cumuhuna dadka xanuunaan. Cilmi-baarayaasha aya si lama filaan ah ku ogaaday nidaamka difaaca cajiibka ah ee bakteeriyadu isticmaasho.

Bakteeriyada ayaa awood u leh iney xusuusato cidda horey u soo weerartay iyadoo isticmaasha CRISPR kadibna enzym loogu yeero cas 9 ku jarta cidda soo weerartay. Cilmi-baarayaasha ayaa aqoontan u beddelay middi hidde side ah oo magaceedana loo soo gaabiyey CRISPR/cas 9. Middidan ayaa abuurtay kacaan dhanka bayoolijiga ah maadaama ay tahay mid qiimaheedu jaban yahay isla markaana ka sahlan nidaamka hore ee la isticmaali jiray kaasoo u baahnaa sanco sareeysa.