
Xukunka ninka caanka ka ah dhaqanka. sawir: Anders Wiklund/TT
Nin caan ku ahaa howlaha dhaqanka oo lagu xukumay laba sano oo xarig ah
Ninkan caan ku ahaa howlaha dhaqanka ayey maxkamadda degmada Stockholm ku ridday xukun laba sano ah.
Waxa ninkan lagu soo eedeeyay fal kufsi ah oo uu geeystay muddo u dhaxeysay 5 iyo 6 oktoober sannadkii 2011. Maxkamadda ayaa magdhow u xukmisay dhibanayaasha.
Ciqaabta ugu yar ee qofka lagu helo danbiga kufsiga ayaa ah xabsi laba sano ah iyadoo maxkamadduna u aragtay in ciqaabta falku u dhiganto laba sano oo xarig ah.
Qareenka ninkan caanka ku ah howlaha dhaqanka Björn Hurtig ayaa horey u sheegay iney racfaan ka qaadan doonaan go’aanka maxkamadda hadduu xukun ku dhaco ninkan.