
Åkesson: Moderat badan baa careysan
Waxa maanta halkiisii ka soo socda dadaalka loogu jiro sidi ay Sweden u heli laheyd dowlad iyadoo ay sadax todobaad ka soo wareegtay doorashadii.
Afhayeenka baarlamanka Andreas Norlén ayaa la kulmaya hogaamiyeyaasha kala duwan ee xisbiyada.
Socialdemokraterna ayaa wali qaba rajo ah iney iyagu dowladda soo dhisaan haddii ay helaan taageerada garabyada kala duwan, sida uu sheegay guddoomiyaha xildhibaannada baarlamanka xisbiga Socialdemokraterna Anders Ygeman.
–Doorashada intaaney dhicin ayeynu sii sheegnay inaan dooneyno wada shaqeyn garabyada siyaasadda kala duwan xataa haddii ay dhacdo ineynu noqono garabka ugu weyn. Arintaa waxba iskama beddelin iminkana oo waxana aaminsanahay in taasi tahay waxa ugu wanaagsan ee dalku u baahan yahay.
Xoghayaha xisbiga Moderaterna Gunnar Strömmer ayaa sheegay in dhisidda dowladdu wakhtigeeda u baahan tahay.
–Waan fahmi karaa dabcan in loo arko in dowlad dhisku wakhti qaatay balse waxa haddana aad muhim ugu ah in la ogaado in xaaladda ka jirta baarlamanku tahay mid adag. Waxaa muhim ah in afhayeenku eego wadada loo baahan yahay in la maro.
Jimmie Åkesson oo ah hogaamiyaha xisbiga Sverigedemokraterna ayaa idaacadda P1-morgon u sheegay in xisbigiisu ka shaqeeynayo inuu taageero shakhsiyaadka xisbiga Moderaterna u metella baarlmanka iyo degaanada hoose kuwaasoo mucaaradka ku ah hogaanka xisbigooda isla markaana diyaarka u ah iney la shaqeeyaan Sverigedemokraterna.
– Waxa jira xubno metela Moderaterna isla markaana careysan. Waxey og yihiin iney ku fariisan karaan booska dowladda haddii ay helaan taageeradeena balse waxa kaliya oo taa ka hortaagan waa arinta la yaabka leh ee ah baahida ku sii dheggenaanta fikradda allians-iga in kastoo dadka badankiisu fahmay ineysan taasi sii shaqeyn doonin.
Xisbiga Vänsterpartiet ayaa rajeynaya in afhayeenku maanta la sahmiyo Stefan Löfven dowlad socialdemokrater-ka ah balse aan aqlabiyad buuxda haysan.
–Si looga gudbo xaaladdan cakiran waxan xalka dabiicigu yahay in la dhiso dowlad ka kooban socialdemokraterna balse aan aqlabiyad buuxda haysan, ayuu yiri Jonas Sjöstedt.