Amaal oo loo doortay guddoomiyaha daarta umadda Rinkeby

5:07 min

Muddo iminka laba toddobaad laga joogo oo isbedel lagu sameeyay hoggaankii maamulka daarta ummadda ee xaafadda Rinkeby – Rinkeby Folkets Hus ayaa loo magacaabay Amaal Maxamed Cumur iney hoggaamiso howlaha daarta, sida ay noo sheegtay mar aannu wareeysi ugu tagnay xafiiskeeda.

Xaafadda Rinkeby oo loogu yeero Muqdishadii yarayd ayay bulsho badan oo ku dhaqani ka soo jeedda asal ahaan Soomaaliya: 

Waa tuma haddaba Amaal Maxamed Cumar:

Sida aad ereyadeeda ku maqleeyseenba waxay Amaal Maxamed Cumar iyo qoyskeedu dalka yimaadeen iyada oo afar jir ah. Qiyaastii 12 sannadood waxay ku dhaqnayd tuulo ku taala gobolka Skåne oo dhacda koonfurta dalka Sweden.

Laba iyo toban sannadood dabadeed wuxuu mar kale qoyskii u sahay qaatay dalka Ingiriiska, magaalada Manchester halkaasina oo ay ku dhaqnayd muddo 10 sannadood gaarsiisan, sida ay hadalka u dhigtay: 

Muddo toban sannadood ah oo ay ku hoowlanayd tacliin dugsiga sare, jaamicad iyo shaqo waxaan Amaal Maxamed Cumar aan marna maskaxdeeda ka bixin fikirkeedii ahaa inay Soomaali ka dhax shaqeeyso, hase yeeshee ey laba mid maskaxdeeda ka guuxaysay, kuwaasina oo kala ahaa inay dalkii hooyo dib ugu noqoto iyo inay qurbaha gaar ahaan Sweden dib ugu soo laabato si ey uga howlgasho xaafadaha ey soomaalidu ku badan yihiin:

Toddoba bilood dabadeed oo ey ku shaqeeyneeysay kobcinta nidaamka dimoqoraadiyadda, waxaa Amaal Maxamed Cumar loo doortay madaxa daarta umadda ee Rinkeby. Waana markii ugu horreeysay ee gabar Soomaaliyeed jagadaasi loo magacaabo. Su’aal la xiriirtay waxa ay la tahay in jagadaa loogu magacaabay ayay sheegtay inay ugu wacan tahay kartida iyo aqoonta ay u leedahay howlahan, isla markaana ey horey uga soo shaqeeysay. Amaal Maxamed Cumar iyo mar kale:

Iyadoo hadalkeedii sii wadatana sheegtay inuu goolkeedu yahay sidii ay daarta umadda Rinkeby u noqon lahayd mustaqbalka goob qurxoon oo jiilka dambe uu gacanta ku dhigo. Soomaalida reer Rinkeby-na ay gacmo furan ku soo dhoweeyeen: