Garabyada siyaasada oo aan aqlaabiyad ku lahin degmooyinka

1:20 min

Garabyada siyaasada Alliansen iyo xisbiyada casaan-cagaarka ah ayaan aqlaabiyad ku haysanin boqolkii ba 60 degmooyinka dalkan.

Sidaas ayaa laga ogaaday baadhitaan ay SKL, ururka maamullada degmooyinka iyo gobollada sameeysay.

Johan Wänström oo arrimaha siyaasada ku takhasuusay kana hawlgala jaamacada magaalada Linköping ayaa sidan sheegay:

-Natiijadan lama yaabsani, marka ay xisbiga Sverigedemokraterna taageeradooda ka kordhiyaan barlamaanka, degmooyinku na waa la mid, ayuu yidhi Johan Wänström.

Wuxuu raaciyay:

-Madama ay labaduba aqlaabiyad haysanin waxeey u baahan yihiin in ay wadashaqeeyaan.

198. Waa tirada degmooyin ay labadan garabi aqlaabiyad ku lahin. Sweden waxaa ka jira 290 degmooyin. Taas ayaa ka dhigan in xisbiga Sverigedemokraterna 135 degmooyin ku haystaan awooda miisaanka, waxaa af-swedhishka lagu yidhaahdo ”vågmästarroll”