
Sadax aqoonyahan oo qebysanaya abaalmarinta fiisigiska
Arthur Ashkin, Gérard Mourou iyo Donna Strickland ayaa lagu abaalmariyey Nobelpris-ka fiisigiska ee sandkan 2018 iyagoo abaalmarinta ku helay fiisigiska ilayska shucaaca ah (Laserfysik).
Kungliga Vetenskapsakademien ayaa maanta wax yar ka hor saacadda 12-duhurnimadii ku dhawaaqay in sadaxda aqoonyahan oo ka soo kala jeeda mareykanka, faransiiska iyo Kanada lagu abaalmariyo Nobelpris-ka fiisigiska.
Donna Strickland oo u dhalatay dalka Kanada ayaa noqoneysa haweeneydii ugu horeysay ee hesha abaalmarinta fiisigiska muddo 55 sano ah iyo haweeneydii sadaxaad ee ku guuleysata abaalmarinta fiisigiska.
Donna Strickland oo kula hadashay khadka fiidiyowga Kungliga Vetenskapsakademien ayaa sheegtay iney sharaf u tahay iney ka mid noqoto dumarkaa tirada yar leh.