
Åkesson: ”Waxaan filayaa inuu Kristersson ila soo xiriiro”
Hoggaamiyaha xisbiga Moderaterna Ulf Kristersson ayaa laga filayaa inuu soo diyaariyo dawlad garabka midig ee Alliansen oo taageero ka heysata xisbiga Socialdemokraterna, sida uu Kristersson ku sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay galabta dabadeed kolkii uu af hayeenka baarlamanku howshaa u xil saaray, hase yeeshee uu hoggaamiyaha xisbiga Socialdemokraterna Stefan Löfven ku adkeeystay mowqifkiisii diidmada.
Ku simaha madaxa dawladda Stefan Löfven ayaa ku sheegay qoraal uu arrintaa kaga faalooday in ”Xisbiyada garabka midig ka door bideen inay ridaan dawladdii iyaga oo taageero ka heleya xisbiga Sverigedemokraterna. Waxay marka loojikadu oranaysaa inuu Ulf Kristersson soo caddeeyo cidda uu dawladda la dhisi doono”.
Stefan Löfven wuxuu sidoo kale ku celiyay fikirkiisii hore ee ahaa in aanu xisbiga Socialdemokraterna noqon doonin xisbi taageero u noqda dawlad ay soo dhisaan xisbiyada garabka midig ee Alliansen. Wuxuuna intaa raaciyay in iminka looga fadhiyo hoggaamiyaha xisbiga Moderaterna inuu muujiyo dhabbada u furan ee uu mari doono si uu dawlad ku soo dhiso.
"Haddii aanay middaa suurtagal ahayn waxaa loo baahan yahay in laga xaajoodo sidii loo dhisi lahaa dawlad ey garabyada siyaasaddu ku mideeysan yihiin. Markaa waxaan u taagnahay inaan xilkaa ka aqbalo af hayeenka.
Hoggaamiyaha xisbiga Sverigedemokraterna Jimmie Åkesson ayaa rajeeynaya xiriir uu la soo sameeyo Ulf Kristersson.
– Waxaan rajeeynayaa suurtagal uu igula soo hadlo Ulf Kristersson haddii ay ka dhab tahay inuu ka gun gaaro, sida uu horay u sheegay. Markaa maahan mid aan suurtgal ahayn inuu la soo xiriiro xisbi uu ka doonayo inuu u codeeyo dawladda uu doonayo inuu soo dhiso oo aan ka wada xaajoonno, sida uu sheegay Jimmie Åkesson (SD).
Hoggaamiyaha xisbiga Miljöpartiet Isabella Lövin ayaanay u muuqan in ay suurtagal tahay inuu Ulf Kristersson dawlad soo dhiso.
– Waa mid la sugaayay, halka dhanka kale aanay ahayn howl suurtagal ah in la soo dhiso dawlad garabka midig ee Alliansen kolka laga eego fikirrada laga bixiyey iyo inuu garabka Alliansen ka yar yahay garabka bidix ee Casaan cagaarka, sida ay sheegtay Isabella Lövin.