
Tiro malyan ka badan oo ka dhacsan nidaamka dijitaalka
Ururka samafalka internet-ka Sweden ayaa maanta soo saaray war bixintiisii sannadlaha ee ”swedhishka iyo internet-ka”. War bixinta sannadka ayaa xoogga lagu saaray arrimmo uu ka mid yahay faqooqa howlaha dijitaalka, middaasina oo looga jeedo dadyoowga aan isticmaalin aaladaha dijitaalka.
Ururka samafalka internet-ka Sweden, ahna urur madax bannaan oo baaristiisa sannadlaha ku wareeystay dadyoow gaarsiisan 2 500 oo ah dad qaan gaar ah iyo 250 isugu jira dhallaan iyo waalidiintii dhashey.
Warbixinta sannadka ayaa tooshka lagu saaray ka maqnaanshaha ama ka faqooqnaanta aaladda dijitaalka ee haysata bulsho gaarsiisan 1,1 milyan oo internetka isticmaala wax aan badnayn amaba aan isticmaalin.
– Howlo badan ayaa sii noqoneya kuwo lagu qabto aaladda dijitaalka, marka bulsho gaarsiisan 1,1 malyan ayaa qarka u saaran iney ka faqooqmaan bulshada inteeda kale, sida uu sheegay Måns Jonasson, oo ururka u qaabilsan howlaha istraateejiyada digitaalka.
Sannadka ayaa sidoo kale waxaa ku cusub in war bixinta lagu eegey dadyoowga aan inta badan isticmaalin internet-ka, iyo dareenkooda sida ay qaybta uga yihiin bulshada dijitaalka.
– Dadka isticmaala aaladda dijitaalka mararka dhifka ah, ayaa inta badan dareema iney bannaanka ka taagan yihiin bulshada warbixinnada dijitaalka, sida uu sheegay Måns Jonasson.
– Waxaannuna aaminsannahey inay jirto halista ah in la ilaawo bulsho iswiidhish ah ee gaarsiisan 1,1 malyan oo aan maalin walba isticmaalin aaladda internet-ka. Waxey sidoo kale dadkaasi halis ugu jiraan iney bulshada inteeda kale ka tagto, sida uu hadalka u dhigay Måns Jonasson.
Dadyoowga aan inta badan isticmaalin aaladda internet-ka ayaa u badan waayeelka. Halka uu Ola Nilsson, oo ka tirsan ururka howlgabka ee magaciisa loo soo gaabiyo PRO, isla markaana u dhega daloola xaaladda waayeelka uu sheegay inuu sawirkaa la qabo iyo iney waayeel badani ka faqooqan yihiin bulshada dijitaalka, isagoona intaa raaciyay inay noqon karto goobaha mashiinnada baarkeerinnada iyo lacagaha caddaanka ah oo suuqa ka baxaya, halkoodiina lagu bedeleyo nidaamyada Bank-ID iyo Swish-ka.
Wuxuu kaloo intaa raaciyay in xitaa haddii ey jiraan qaar suurtagal u heeysta aaladahaa ey dareemaan iney bulshada ka faqooqan yihiin.
- Qaar badan oo xubnaha ururka ka mid ahi xaqiiqdii waxey leeyihiin kombiyuutarro ama teefoonnada casriga ah, hase yeeshee aan isticmaalin inta badan oo haddii wax cusub la barto loo baahan yahay in lagau celceliyo si loola qabsado, haddii kale la ilaawayo, sida uu sheegay Ola Nilsson.
Sida warbixinta ku caddaatay waxaa kor u sii kacay dadyoowga ku xiran internet-ka iyo isticmaalka shaashadaha sociala medier.
Baarista sannadka waxaa iyaduna ku cusub in wax laga weeydiiyay waalidiinta ilmaha yaryar heeysta iyo sida ilmuhu u isticmaalaan internet-ka. Natiijada ka soo baxday ayaa noqotay in afartii cunugba mid ee dhallaanka da’doodu ka hooseeyso sannad ay ku xiran yihiin internet-ka. Inta badanna waxey xiiseeyaan ciyaaraha, video-yada iyo codka (dhawaaqa).
– Waxay ila tahay inuu socdo ibedel jiil. Jiilalka ku soo barbaarey internet-ka wax dhib ah uma arkaan inuu dhallaankooduna isticmaalo si la mid ah, sida uu sheegay Måns Jonasson.