Muf: SD waa inay warkeeda caddeeysaa

2:39 min

Xitaa haddii uu xisbiga Socialdemokraterna caddeeyay in aanu taageeri doonin dawlad garabka midig ee Alliansen soo dhisay, ayuu guddoomiyaha ururka dhallinyarada ee xisbiga Moderaterna soo jeediyay inuu Ulf Kristersson, ahna hoggaamiyaha xisbiga M, uu baarlamanka horgeeyo dawlad uu soo dhisay si uu u tijaabiyo inay gudubto.

– Waxaan rajeeynayaa inuu garabka Alliansen ku guuleeysan doono cod aqlaabiyad leh dawlada uu hoggaamineyo Ulf Kristersson.

Madaxa dawladda Stefan Löfven ayaa mar kale ku celiyay ereyadii in aanu xisbiga Socialdemokraterna taageere u noqonayn dawlad uu soo dhiso garabka midig ee Alliansen. Halka ey xisbiyada ku midoobey Alliansen ku kala jaban yihiin taageerada laga dooneyo xisbiga Sverigedemokraterna.

Hase yeeshee wuxuu Benjamin Dousa aaminsan yahay in aanu ahayn xisbiga Socialdemokraterna cidda ay ka soo go’do ogolaanshaha cidda dawladda hoggaamin doonta.

– Xitaa haddii aanu xisbiga Socialdemokraterna taageerin dawlad mataleeysa garabka midig ee Alliansen, waxaan rumeeysnahay in loo baahan yahay in baarlamanka la hor keeno oo lagu tijaabiyo. Xaaladda noocan ahna waa inuu Ulf Kristersson caddeeyo siyaasadda uu ku dhaqmi doono afarta sannadood ee foodda innagu soo haysa. Isagoo hadalkiisii sii watana sheegay inuu xisbiga Sverigedemokraterna mowqifkiisa u caddeeyo:

-Waa mid ku waajib ah iney caddeeyaan in loo baahan yahay siyaasad middii hore ka duwan sida uu sheegay.

Sida uu aaminsan yahay Benjamin Dousa inay goor hore tahay in la qiyaaso tallaabada xigta, haddii ey xisbiyada Centerpartiet iyo Liberalerna ey ku taagnaadaan mabda’oodii in dawlad garabka midig ay taageero ka raadiso oo keliya garabka Casaan Cagaarka. Waanu ka gaabsaday inuu wax ka yiraahdo su’aasha la xiriirta inay suurtagal noqon karto dawlad ka kooban oo keliya xisbiyada Moderaterna iyo Kristdemokraterna. 

– Maadaama aanay xaajadu halkaa weli gaarin, sida uu sheegay Benjamin Dousa, guddoomiyaha ururka dhallinyarada ee xisbiga Moderaterna.