
Abaalmarinta suugaanta Nobel-ka baaqatay iyo saameynta dukaamada buugaagta
Abaalmarinta suugaanta ee Nobelpris-ka sanadkan baaqatay ayaa saameyn xun ku yeelaneysa dukaamada iibiya buugaagta.
Waxa sidaa sheegay HUI Research oo baarta arimaha la xiriira ganacsiga.
Todobaadka Nobel-ka ayaa si xooggan u socda iyadoo sida caadiga ahna ay aheyd in maanta lagu dhawaaqo cidda ku guuleysatay abaalmarinta suugaanta. Fawdada ka taagneyd Svenska akademien oo ah akadeemiyaha qeybiyo abaalmarinta suugaanta ayaa sababtay in gugii tegey la gaaro go’aanka ah in sanadkan la baajiyo abaalmarinta suugaanta.
Kulturnytt ayaa sanadihii ugu danbeeyey booqaneysay Bokcafé Pilgatan oo ku taal magaalada Umeå si loo helo aragtida dadka ee abaalmarinta suugaanta.
Jan Danielsson oo ah xubin ka tirsan gudiga ayaa dul taagan mid ka mida kabarada buugaagta isagoo eegaya qaar ka mida qorayaasha horey u helay abaalmarinta suugaanta.
– Waxa iminka horteyga ka muuqda José Saramago. Halkana waxa yaal Steinbeck iyo qoraaga u dhashay dalka shiinaha ee Mo Yan, ayuu yiri Jan Danielsson isagoo eegaya buugaagtaa.
Emma Hernell, oo ah ku xigeenka HUI Research ee wax ka baara arimaha ganacsiga ayaa ula jeedda in abaalmarinta Nobel-ka suugaanta baaqatay sanadkani ay saameyn xun ku yeelan doonto faa’iidada dukaamada buugaagta Sweden.
– Xilligan deyrta ah ayaa guud ahaanba muhim u ah dukaamada buugaagta. Waxa dhaca bandhig buugaag, waxana la qeybiyaa abaalmarino iyadoo kadibna la gaaro xilliga ganacsiga ciidda kirismaska. Ganacsiga kirismaska ayaa aad muhim ugu ah dukaamada buugaagta weyna caddahay in abaalmarinta Nobel-ka ay wax weyn ku soo kordhiso dukaamada buugaagta iibiya, ayey tiri Emma Hernell.